Saturday, March 15, 2025

Maxkamadda Ciidamada oo xukun ku riday Askari oo ku eedeysnaa Amar-diido [Sawirro]

Maxkamadda ciidamada Qalabka sida ayaa Laba iyo toban (12) askari ka tirsan ciidamada Xoogga dalka oo ku eedeysay inay soo faarujiyeen aaggii dagaalka ee ay ku jireen iyo amardiido ku xukuntay Xabsi ciidan oo gaaraya 5 sano ah.
Asakrtan ayaa la sheegay inay soo faarujiyeen Aagga Dhanaane ee Gobolka Sh/hoose, waxaana soo xiray abaanduulaha ciidamadaXoogga Dalka 1-da bishii Ogost  ee 2018, waxaana lagu soo oogay dacwad.

Askartan ayaa ka soo baxay aagga Dhanaane ee gobolka Shabeelaha Hoose halkaasi oo ay ku qornaayeen, waxaana sagaal kamid ah ay wada ahaayeen isku difaac halka Saddexda kale ay iyana ka soo baxeen gooba kale oo ka tirsan aagagga dagaalka ee gobolka Shabeelaha Hoose.

23-ka bishii sagaalaad ee sanadkan ayay Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida dalbadeen in la muddeeyo dacwad qaadista eedda loo heysto 12-kan askari ee ah amar diidada iyo ka bixid aagga dagaal ee Dhanaane, waxaana maalin kadib codsiga Xeer Ilaalinta loo ballamay in la qaado Maxkamadeynta 12-kan Askari.

Ad

Qareenada u doodayay eedeysanayaasha ayaa ka hor sheegay garsoorka in la siiyo fursad kale oo ay dib ugu noqdaan goobihii ay ka soo baxeen maadaama markii hore iyaga ay ahaayeen kuwa qeybta ka ahaa xureeynta goobaha ay ka soo baxeen.

Garsoorayaasha oo ka baaraan degayay nuxurka dacwadda, doodda dhinacyada xeer ilaalinta iyo qareenada, ka falciladda jawaabaha ay ka bixiyeen eedeysanayaasha fadhiga maxkamadda ayaa ugu dambeyn go’aan ku gaaray in dhammaantood si wada jir ah loogu xukumo min Shansano oo xabsi Ciidan ah, sida uu u sheegay dhammaan dhinacyacda goobjoogga u ahaa fadhiga Maxkamadda Gaashaanle Dhexe Xasan Cabdiraxmaan Aadan Wabiyow.

- Advertisement -

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON