Maxkamadda ciidamada Qalabka Sida ayaa xukunno kala ku riday Sufyaan Sheekh Axmed Sheekh Maxamed (Taakeeye) iyo laba xubnood oo ka mida kooxdiisa oo lagu eedeeyey asaaska Xisbi faafiya fikradaha xagjirka ah ee Diinta, Dalka iyo Dowladnimmada iyo taageeridda Ficillada Alshabaab.
Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo kiiskan laba kulan ka yeelatay maanta xukunno kala duwan kasoo saaratay, waxaana Eedeysane Sufyaan Sheekh Axmed Sheekh Maxamed (Taakeeye) lagu xukumay 2 Sano oo il ku hayn ah.
Sidoo kale Ex. Dable Xoogga Yaasiin Axmed Maxamed Cabdulle oo ka mid ahaa kooxda Sufyaan Taakeeye ayaa laga saaray ka mid ahaanshiyaha Ciidanka Xoogga.
Dhinaca kale Maxkamadda Ciidamada waxay sii daysay Maxamed Cabdulqadir Cali Nuur (Sandheere). Waxaa xukunkan ku dhawaaqay Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamadda Qalabka Sida Gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute.