Tuesday, February 18, 2025

Maxkamada Sare ee Ciidamada oo xukuntay Nin ku eedeysnaa Dilka Askari Boolis ah

Maxkamadda Sare ee ciidamada ayaa mar kale Dil toogasho ah ku xukuntay Cabdulaahi Cabdi Mustaf oo hore xukunkaas ay ugu riday Maxkamadda Darajada koowaad ee ciidamada Qalabka Sida.

Kadib rafcaan ay xukunkii hore ka qaateen ehelada eedeysanaha ayey Maxkamadda Sare ku raacday Maxkamadda xukunkii hore, waxayna ku heshay inuu Dil bareer ah u geystay Dable Boolis Cabdikariin Ibraahin Cali (Awdaango).

Maxkamadda Sare ayaa kiiskan u fariisatay 1-da bishan Oktoobar, waxayna maanta soo saartay inay raacsan tahay xukunkii dilka ahaa ee horay ugu xukuntay Maxakamadda Darajada Koowaad Ciidamadda eedeysane Cabdulaahi Cabdi Mustaf, halka Dable boolis Daahir Cabdi Mustaf lagu xukumay mar kale Afar sano oo xabsi ciidan ah, Sida uu sheegay Jeneraal Liibaan CalI Yaroow Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamada.

Ad

Kiiskan oo muddo socday ayaa Dll-sugaya Cabdulaahi Cabdi Mustaf la sheegay inuu ka carooday markii ay Booliska weydiiyeen Warqada fasaxa CID-da ee Mooto-Feykon ah oo uu watay, kadibna uu hiil ugu yeertay walaalkiis Dable Boolis Daahir Cabdi Mustaf oo ka titsan taliska qeybta guud ee Booliska gobolka Banaadir.

Qorigii walaalkiis ayuuna ku dilay marxuum Dable Boolis Cabdikariin Ibraahin Cali (Awdaango) oo xiligaas ku sugnaa barta gaadiidka lagu hubiyo ee wadadda Afisooni 19-ka bishii December ee 2022.

Garsoorka Maxkamdda Darajada Koowaad ee Ciidmadda oo dhageystay dhinacyada dacwadda ayaa labo iyo labaatankii bishii February ee sanadkan ku xukuntay Cabdulaahi Cabdi Mustaf Dil toogasho tasoo ah qisaasta marxuum Cabdikariin Ibraahin Cali ( Awdaango) halka Dable Boolis Daahir Cabdi Mustaf lagu xukumay Afar sano oo xabsi ciidan ah.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON