Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda Adduunka ICJ ayaa goor dhoweyd ku dhawaaqday go’aan ay ka gaartay Dacwadii Xuduudka Badda ee Somalia iyo Kenya.
Dacwaddan oo muddo 7 sano ah hortaallay Maxkmadda ICJ ayaa ugu danbeyn go’aanka xukunka Maxkamadda wuxuu noqday in Soomaaliya loo xukumiyo, iyadoo calaameysay Xuduudka Badda ee Soomaaliya iyo Kenya.
Khariidad ayey ku muujisay maxkamadda ICJ halka uu marayo leynka xuduudka Badda ee Soomaaliya iyo Kenya oo laga dhigay mid toos ah, sidoo ay Soomaaliya rabtay, oo waxyar laga bedelay, iyadoo qeyb yar dhinaca Kenya la raaciyey.
Go’aanka Maxkamadda ayaa noqday in la diiday dhammaan doodihii ay Maxkamadda hordhigtay dowladda Kenya ee ahaa inuu jiro heshiis labada dal u dhaxeeyay oo dhinaca Badda ah.
Guddoomiyaha Maxkamadda ICJ, haweeneyda Joan E. Donoghue ayaa ku dhawaaqday go’aanka Maxkamadda, kadib markii ay akhrisay warbixin dheer oo ku saabsan heerarkii ay soo martay Dacwadda Badda ee Somaliya iyo Kenya.


