Xeer ilaalinta Guud ayaa maanta Maxkmadda Gobolka Banaadir hor geysay koox ku shaqeysaneysay Shirkad Duulimaad oo ku eedeysan si been Fiiso iyo Tahriib.
Qoral kasoo baxay Xafiisak xeer ilaalinta ayaa lagu yiri: “Xafiiska Xeer-llaaliyaha Guud ee Qaranku waxa uu Maxkamadda Gobolka Banaadir horgeeyay Todobo Eedaysane, kuwaas oo ku eedaysan Tahriibin, Turufo iyo Been-abuur dal ku gal, kuwaas oo ku shaqaysanayay Xarun Magaceedu yahay Toronto Tours and Travel Agency”.
Kooxdan ayaa la sheegay inay dhibanayaal ay u yihiin Muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku dhaw Lix boqol oo qof, kuwaas oo ay siyaabo kal aduwan ula macaamileen.
Maxkamadda Gobolka Banaadir markay ku qanacday caddeymaha hordhaca ah ee uu soo bandhigay Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayay u gudbisay eedaysanayaasha xabsi ku meelgaar ah si loo soo dhamaystiro baaritaankooda loona bilaabo maxkamadeyntooda.
Waa kiiskii ugu horeeyay ee noociisa ah oo Rag ku howlan Shirkad Duulimaad (Travel agency) ay ku lug yeeshaan, iyado la sugayo maxkamadeyntoda.