Mid ka mida maxkamadaha Alshabaab ayaa xukun kasoo saartay dhul muddo dheer la isku heystay oo ku yaalla degamda Wadajir ee magaalada Muqdisho, kadib markii dadka dhulka isku heystay ay u garsoor tageen.
Maxkamad lagu magacaabo ‘Raddul Madaalim’ ayaa qaaday dacwadan oo hore garsoorka dowladda Federaalka u galay, waxayna maxkamadda Alshabaab dhulka u xukuntay dadkii deganaa, halka qofkii sheeganayey laga xukumay.
Dhulkan oo cabirkiisu yahay 34 x 20 Mitir muddo ka badan 10 sano la isku heystay ayaa waxaa inuu leeyahay ugu dacwoonayey nin lagu magacaabo Cumar Cabdi Ibraahim, isagoo ku dooday inay siisay dowladii hore, uuna heysto caddeymo
Dhulka waxaa laba boos oo kala duwan u heystay Maxamed Muuse Cali (Maraweyne) oo sheegtay in sanadki 1988 loo cabiray dhul cabirkiisu yahay 14×20 Mitir iyo Maxamed Aadan Maxamuud oo lah dhul cabirkiisu yahay 20×20 Mitir, kaasoo iib kusoo galay sanadkii 2013.
Xukunka Maxkamadda Alshabaab ayaa garsooraha uu sheegay in lagu saleeyay Dokumenti sax ah iyo dhaar, waxaana meesha laga saaray sheegashadii Dacwoodaha Cumar Cabdi.
Garsoorka Alshabaab ayay dad badan u dacwo tagaan, gar ahaan dhulalka la isku heysto ee magaalada Muqdisho, iyadoo maxkamadaha G/Banaadir laga sheegto iska daba wareejin dadka ku qasabtay inay u garsoor tagaan degaandaa Alshabaab.
