Tuesday, October 3, 2023

Maxey Xarardheere muhiim ugu ahayd Khawaarijta (Alshabaab)? (Shan Qodob)

-

- Advertisement -

Magaalada Xarardheere waa magaalo fac wayn, waa mid ka mid ah Magaalooyinkii ugu hor qaatay Maqaamka Degmonimo Gobolada dhexe, waa magaalo leh Taariikh ilbaxnimo.

Waxaa jira arrimo dhawr ah oo ka dhigay Mid ka mid ah Magaalooyinka ugu muhiimsan Xukunka Khawaarijta, waxaana loo arka in ay ku jirtay Shanta Magaalo ee ugu muhiimsanaa Khawaarijta.

Sababo badan ayaa jiray, balse waxaan soo qaadanayaa Dhawr qodob kuwaas oo mudan in loo iftiimiyo Bulshada.

1- Dhoofinta iyo soo dajinta dambiilayaasha.

- Advertisement -

Khawaarijtu waxa ay Magaaladaan u isticmaalijireen in ay ka dhoofiyaan kana soo dajiyaan dambiilayaasha Caalamiga ah kuwaas oo ka faaiidaysnjiray Dekadaha Nacmalka ah ee ku dhaw Magaaladaas kuwaas oo u sahlan in laga dhoofo lagana soo dago kuna furan Bad waynta India iyo Badda Cas Labadaba.

2- Daabulista Hubka iyo Walxaha Qarxa.

Xarardheere sidoo kale waxeey Khawaarijta u ahayd goob ay u isticmaalaan isku gudbinta Hubka iyo Waxyaabaha Qarxa iyaga oo uga faaiidaysanjiray isla dakadahaas macmalka ah, sidaas awgeed waxeey u ahayd Marin aad muhiim ugu ah in ay helaan agabka Dagaal ee ay u baahanyihiin Khawaarijtu.

3- Askaraynta Caruurta.

Khawaarijtu isla Magaaladaan waxeey u isticmaalijireen uruurinta iyo askaraynta Caruurta ay kasoo qafaashaan qooysaskooda taas oo ka dhigaysay Xarardheere Xarun aad muhiim ugu ah Khawaarijta gaar ahaan soo saarista Bini-aadamka ay Khawaarijtu u badashay Bambooyinka Qarxa.

4- Cabsi galinta Qabaailka.

Maadaama Xarardheere tahay Magaalo Kulmisa Qabaail badan, Khawaarijtu waxeey u isticmaali jirtay Magaaladaan in ay ku kulmiso kuna cabsi galiso Odayaasha Dhaqanka ee Beelaha Deegaanka iyaga oo markasta halkaas ku gudbin jiray fariimaha Cabsi galinta ah ee beelaha ay u dirayeen.

- Advertisement -

5- Xoolaysiga Khawaarijta.

Xarardheere, waa Magaalo Kulmisa, Xoolo dhaqato, Beeraleey iyo Kaluumaysato sidoo kale waxaa Magaalo ahaanteeda ku tiirsan dhul aad u balaaran oo dad farabadan ku noolyihiin, sidaas awgeed, Khawaarijta waxa ay u ahayd hal Bawle dhaqaale oo ay ka helaan Baad aad u badan.

Isku uruurinta Qormadayda, Khawaarijtu in ay lumiyaan Xarardheere waxeey ku tahay dhabar jab baaxad leh, waxaana ka xirmaya Marinkii ugu waynaa ee kala gudbinta Hubka iyo Dambiilayaasha, waxeey luminayaan Il Dhaqaale oo aad u wayn, waxeey luminayaan Warshad wayn oo soo saarijirtay bini’aadamkii bambaanooyinka noqday, waxaa gacantooda ka baxaya Tobaneeyo Qabiil oo xornimadoodu saamayn ku leedahay dhul Balaaran iyo ugu danbayn waxeey tani siibaysaa Xidiidkii Khawaarijta ee Gobolada dhexe oo dhan.

W/Q: C/raxmaan Yusuf Al-cadaalla
Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta

- Advertisement -

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Hay’adda NISA oo Sufyaan Taakeeye kasoo dejisay Muqdisho iyo dowlada Kenya…

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka ee NISA ayaa shaaicay inay gacanta kusoo dhigtay Sufyaan Sheekh Axmed (Taakeeye) oo ah weriye hore, kaasoo furtay...

Maxkamadda G/Banaadir oo sii deysay Agaasimeyaal iyo xubno lagu waayey Musuqmaasuq

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa dhameystirtay habaabka xoriyad siinta, siina deysay xubnihii lagu waayey eedihii xatooyada xoolo-dadweyne ee lagu soo oogay.Xubnahan oo xeer ilaalinta kusoo...

Siyaasi iyo Nabaddoon Caan ah oo ku Geeriyooday Magaalada Muqdisho

Waxaa magaalada Muqdisho ku geeriyooday Nabaddoon iyo siyaasi caan ah oo soo noqday Safiir iyo Duqii hore ee Magaalada Muqdisho Marxuum Cali Ugaas Cabdulle.Marxuumka...

Wararkii ugu danbeeyay Qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay Magaalada Istanbul

Qarax is-miidaamin ah ayaa ka dhacay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, iyadoo faahfaahin dheeraad ah ay kasoo baxeyso.Wasiirka arrimaha gudaha Turkiga Cali Yerlikaya ayaa...

Ciidamada Dowladda iyo Macaawisley ku dagaalamay Degmada Maxaas

Wararka laga helayo Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa beelaha degaanka ay Galabta ilaa caawa ku dagaalameen degmada Maxaas.Dagaalka ayaa...

Siyaasiyiinta Mucaaradka Lafta-gareen oo Dalab culus hordhigay Madaxweyne Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Dhuusamareeb kulan kula yeeshay siyaasiyiinta kasoo jeeda K/Galbeed Soomaaliya ee mucaaradka ku ah madaxweynaha maamulkaasi C/casiis Lafta-gareen.Siyaasiyiintan...

Xubno Alshabaab ka tirsan oo mar labaad Dil Toogasho ah lagu xukumay

Laba Nin oo hore loogu helay inay ka tirsanaayeen Alshabaab ayaa mar labaad lagu xukumay Dil Toogasho ah, iyagoo la sheegay inay dilal qorsheysan...

XOGAHA QARSOON

Xog laga helay kulan Qarsoodi ah oo Turkiga ku dhex maray Sh. Shariif iyo Farmaajo

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa kulan magaalada Ankara ee dalka Turkiga ku dhex maray madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Shariif...

Taliye Caan ahaa oo lagu la’ yahay Dagaalkii Cows-weyne iyo Xaaladii…

Ehelka Sarkaal Sare oo ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa sheegay inay la' yihiin Taliye ciidamada ka mid ahaa ciidaadii ku sugnaa aagga...

Dowladda Somaliya Shirkad Shiinees ah u kordhisay Heshiis Kalluumeysi oo mugi ku jiray

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa heshiis shatio Kalluumeysi u cusbooneysiisay shirkad dalka China ka socota oo hore dowladii hore ay u siisay shatiyo kalluumeysi oo...

XOG: Maxaa ka jira in Xilka laga qaadayo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir..?

Waxaa isa soo taraya wararka ku saasban xil ka qaadista Guddomiyaha Gobolka Banaadir Guddomiye Yuusuf Xuseen Jimcaale oo la sheegay inuu qarka u...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you

error: Content is protected !!