Tuesday, October 3, 2023

Maxay yihiin Saxiixayaasha Bayaankii Nairobi ee Sheekh Shariif oo Muqdisho ku shiriyay?

Shirka wadatashiga Madaxda Dowladda Federaalka, madaxdii hore iyo siyaasiyiinta ayaa goor dhoweyd ka furmay Hotelka Decale ee ku dhex yaalla Garoonka Diyaaradaha Aden Cadde ee magaalada Muqdisho.

Shirkan ka hor ayaa waxaa xalay Muqdisho kulan gaara ku yeeshay xubno uu hoggaaminayo Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed oo ah kooxdii magaalada Nairobi kasoo saaray war-saxaafadeedka ay uga hor yimaadeen go’aanadii Madasha Wadatashiga ee Arrimaha Doorashooyinka.

Sheekh Shariif ayaa sheegay in kulankoodii xalay ee gaarka ahaa uu ahaa wadatashi ay uga arrinsanayeen Shirka maanta ka furmaya magaalada Muqdisho ee uu gogoshiisa fidiyay Madaxweyne Xasan Sheekh.

Ad

Wuxuu Sheek Shariif shaaciyay magacyada saxiixayaasha uu sheegay inay shirkaasi ka qeyb galeen oo kala ah:

1-Madaxweyne Shariif Sheiikh Axmed Guddoomiye

2- Shariif Xasan Shiikh Aden

- Advertisement -

3- R/W Abdiweli Maxamed Cali Gaas

4- R/W Omar Abdirashid R/W Xasan Cali khayre

5- R/W xigeen Ridwan Xirsi Maxamed

6- Wasir Cabdinuur Shiikh Maxamed

- Advertisement -

7- Xildhibaan Cabdulqadir Cossoble Cali

Siyaasiyiinta garabka sheekh Shariif ee magaalada Nairobi kasoo saaray Bayaanka ay ku diideen War-murtyeedkii Golaha Qaran ee Wadatashiga ayaa saldhig u ahaa kulanka maanta ka furmay Muqdisho, iyadoo Sheekh Shariif oo u hormuud ka ahaa, waxaana muuqata in koxodan saxiixayaasha Nairobi ay isu muujinayaan Kutladda Mucaaradka u ah madaxweyne Xasan Sheekh.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,982FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,984FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!