Waxaa soo baxaya xog ku saabsan natiijadii hordhaca Baaritaanka kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo uu shaaciyey Xeer ilaaliyaha Maxkamadda ciidamada Qalabka Sida Jen. C/llaahi Buulle Kamey.
Xeer ilaaliyaha ayaa TV-ga dowladda ka shaaciyay in wax caddeyn ah lagu waayey madaxda Hay’adda NISA ee kala ah: Fahad Yaasiin, Yaasiin Farey, C/llaahi Kulane, markii ay caddeymo ka qoreen, wuxuuna kiiska dib ugu celiyey inay Alshabaab dishay Ikraan Tahliil.
Waxaa shaki weyn abuuray qaabka degdegga ah ee Warbaahinta loola aaday natiijo baariseed oo aan maxkamadii ku shaqada lahayd la geynin iyo isku dayga Madaxda NISA looga qaadayo dacwadii ay Qoyska Ikraan ka gudbiyeen.
Xogta laga helay saraakiisha Maxkamadda Ciidamada ayaa sheegeysa in Guddiga baarista oo markii hore loo diaday inay tagaan xarunta ama ay wareystaan saraakiisha NISA, loo ogolaaday oo kaliya markii ay hesiiska gaareen Farmaajo iyo Rooble.
Guddiga baarista ayaan helin xogta Kaamerooyinka Hay’adda NISA ay duubeen habeenkii uu dhacay afduubka Ikraan Tahliil ee 26 June 2021, waxayna NISA ay ku dooday inaan la heynin xogtii maalintaas iyo habeenkeeda, iyadoo aan faahfaahin laga bixin sababta loo waayey iyo sida laga yeelay.
Warar hore u soo baxay ayaa sheegay in xogtan oo qaarkeed lala wadaagay xubno gaara, markii dambe la baabi’iyey si aysan tixraac u noqon baaritaanka kiiska, loona arkay ina halis ku tahay saraakiisha Hay’adda NISA ee lagu tuhunsanaa maqnaanshaha Ikraan Tahliil.
Kiiska Ikraan oo hor loo siyaasadeeyay, baaritaankiisuna ka socon waayey Madaxweynaha xilka sii haya ee Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Taliyihiisii hore ee NISA Fahad Yaasiin, wuxuu hadda yeeshay weji cusub oo ah dacwadiisa ay uu soo xiro sarkaalkii baari lahaa ee xeer ilaalinta Maxkamadda Milateriga, isagoo idaacadddii dowladda ka sheegaya natiijo baaris aan maxamad soo marin iyo tuhun ka sari saraakiisha sare ee NISA oo hadda u ordaya inay noqdaan xildhibaannao ka tirsanBaarlamaanka 11-aad.
