Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta safar shaqo ugu dhoofay dalka Ereteriya, kadib markii uu muddo 2 Bilood ku dhow ku sugnaa caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb.
Isagoo shalay kusoo laabtay Muqdisho ayey Madaxtooyada Soomaaliya shaacisay inuu saaka safar shaqo ku aaday dalka Ereteiya oo ay tababar gaar ah ku qaadanayaan qeybo ka mida Ciidamada Qalabka Sida.
“Safarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku qotoma adkaynta xiriirka labada dal, Kor u qaadidda iskaashiga difaaca iyo amniga si loo ilaaliyo nabadda, xasilloonida iyo amniga Gobolka”.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay ayaa Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Abdi Kaariye u xil saaray dardargelinta iyo hagida halganka Khawaarijta looga ciribtirayo deegaannada Galmudug, isagoo safarka Ereteiya kaddib halkiisa ka sii waddi doono hoggaaminta dagaalka ka dhanka ah argagixisada.