Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa war kasoo saaray xaaladda ka dhalatay Daadadka iyo Roobka Deyrta ee qasaaraha dhaliyay.
Farriin uu soo dhigay Baraha Bulshada ayuu u sheegay in Roobabka a sababeen dhibaato soo food saartay kumannaan qoys oo Soomaaliyeed oo ku dhaqan gobollada Bay, Bakool, Gedo, Shabeelooyinka, Banaadir, Hiiraan iyo Mudug.
“Dadka Soomaaliyeed oo lagu yaqaanno gurmadka iyo is-garabsiinta waxaan ugu baaqayaa in ay si xooggan ugu istaagaan walaalahooda dhibaateysan, lana abaabulo gurmad iyo gargaarka ay naga mudan yihiin xaaladdan adag ee ay ku jiraan”. ayuu Farmaajo ku yiri farriintiisa.
Wuxuu Dadka Soomaaliyeed ugu baaqay inay inay u dheg raariciyaan baaqayada qaybaha dowladda, loona hogaansamo talooyinka ay soo saarayaan Hay’adaha dowladda ee ku aaddan badqabka iyo goobaha biyo mareenka ah.