Warbaahinta Mareykanka ayaa qortay in Aqalka Cad ee looga taliyo dalkaasi laga helay Daroogo, taasoo noqotay fadeexad baaritaankeedu socdo.
Wargeyska ‘Washington Post’ ayaa qoray warbixin ku saabsan in waaxda Dab-damiska ee Washington ay go’aamisay in si ku meelgaar ah loo xiro qeyb ka mida Aqalka Cad Axadii toddobaadkan markii walxo Budo Cad ah laga helay gudaha Aqalka Cad.
Labo sarkaal oo arrintan la socda ayaa xaqiijiyay in walxaha laga helay Aqalka Cad ay noqdeen Daroogada loo yaqaan Kookeynta.
Waaxda Sirdoonka Mareykanka ayaa laga soo xigtay in “Walaxdan aan la aqoonsan” ay ahaayeen Daroogo. Dhinaca kale su’aalo la weydiiyay waaxda Dab-damiska ayey diideen inay ka hadlaan.
“Fiidnimadii Axadda, xarunta Aqalka Cad ayaa si taxaddar leh loo xiray iyadoo wakiillada Adeegga Sirtu ay baarayeen walax aan la garanayn oo laga helay goob shaqo,” afhayeen u hadlay Adeegga Sirta ayaa ku sheegay farriin qoraal ah.
Afhayeenku waxa uu intaa ku daray in walxahan laga helay dhinaca Galbeed ee Aqalka Cad, oo ay ku jiraan Guriga fulinta ee uu degan yahay madaxweynaha Maraykanka Joe Biden, Xafiiska Oval, qolka shirarka iyo goobta shirarka jaraa’id, marka lagu daro xafiisyada iyo goobaha shaqada ee la-taliyayaasha iyo shaqaalaha madaxtooyada.
Madaxweyne Biden ayaa la sheegan inuusan joogin Aqalka Cad xilliga Daroogada la helay. Afhayeenku wuxuu sheegay in baaritaan lagu sameeyay sababta iyo qaabka ay Darooada ku gashay Aqalka Cad.