Iyadoo saaka lagu waday inuu shirkii Wadatashiga Madaxda Dowladda iyo Maamul Goboleedyada ka furmo xarunta Teendhada Afisyoone ayaa waxaa soo baxaya inay shirkaasi ka biyo diidan yihiin madaxda Maamul Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland oo degan Xalane.
Shirka waxaa iska xaadiriyey oo Teendhada Afisyoone Barqanimadii saaka tegay Madaxweynaha xilkiisu dhammaaday Maxamed C/llaahi Farmaajo Ra’iisal wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble iyo madaxda Maamul Goboleeyada taageersan ee Galmudug, Hirshabeele iyo K/Galbeed oo uu wehliyo madaxa Gobolka Banaadir.
Axmed Madoobe iyo Siciid Deni ayaa la sheegay inay aaminsan yihiin inay shirkii ay waday Beesha Caalamka ay afduubteen madaxda dowladda Federaalka, isla markaana ay meesha la yimaadeen Ajande aan lagu heshiin, qodobbo hore oo laga soo guuray iyo inuusan ahayn shirkii ay Beesha Caalamka ku casuuntay ee ay u yimaadeen Muqdisho.
Arrimaha ugu waaweyn ee la isku hayo ayaa kala ah:
1- Cidda ka qeyb galeysa shirka
2- Arrimaha looga hadlayo
3- Wixii dhacay 19-ka Febraayo in laga heshiiyo sida
- Amniga Doorashada
- Taliska ciidamada iyo cidda adeegsaneysa
- Awoodda dowladda kala guurka ah in la xadiddo
- iyo damaanad qaadka fulinta Doorashooyinka
Arrimahan oo dhan waxay caddeyn u yihiin in madaxda Soomaalida ee labada Garab u kala qeybsan ay diyaar u yihiin inay sii wadaan dagaalka siyaasadeed iyo isku adkeynta oo aanay u soconin xal laga gaaro arrimaha Doorashooyinka.
