Sunday, April 27, 2025

Maxay ku kala duwan yihiin Heshiisyada Farmaajo iyo Xasan Sheekh la saxiixdeen Isais Afwerki?

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Muqdisho ku laabtay, soona gabagabeeyay socdaal 4 maalmood ah oo uu ku tegay dalka Eritrea, waxayna labada da shaaciyeen heshiis is-faham ah (MOU) oo ay gaareen labada madaxweyne.

Socdaalka Xasan Sheekh ayaa muhiimad gaara lahaa, wuxuuna yimid xilli xasaasi ah oo ciidamo kumanaan ah ku maqan yihiin dalkaasi, taasoo ahayd sababta ugu weyn ee soo dedejisay socdaalka Eritrea oo ahaa kii saddexaad ee uu dalka uga baxo intii la doortay 16 May 2022.

Safarka Xasan Sheekh wuxuu uga duwanaa kuwii Farmaajo in lasoo bandhigay isagoo la jooga ciidamada Soomaalida ee 3-da sano warkood la la’aa, isla markaana la hadlay, wareystay, xaaladoodana u kuurgalay.

Ad

Haddii isbarbar dhig lagu sameeyo heshiiskii uu Farmaajo Asmara kula saxiixday Afwerki 30-ka July 2018 iyo Heshiiska Xasan Sheekh iyo Afwerki saxiixeen 12 July 2022 (4 sano kadib) wax badan kuma kala duwana, waxaana badan heshiiska danbe.

Heshiiska Farmaajo waxaa si cad loogu sheegay inay labada dal is weydaarsan doonaan safaarado iyo safiiro, taasoo uu fulin waayey, halka heshiiska Xasan Sheekh si dadban loogu sheegay xoojinta xiriirka diblomaasiyadda iyo is dhexgalka labada dal.

HOOS KA AKHRISO LABADA HESHIIS

- Advertisement -

Farmaajo iyo Isaisa Afwerki (4 Qodob, Asmara 2018)

1. Eritrea waxay si xoog u taageereysaa madax-bannaanida siyaasadeed, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya iyo sidoo kale dadaalka dadka iyo dawladda Soomaaliyeed ugu jiraan soo celinta maqaamkii saxda ahaa ee dalka iyo xaqiijinta himilada sare ee shacabkeeda.

  1. Soomaaliya iyo Eritrea waxay ku dadaali doonaan inay abuuraan iskaashi siyaasadeed, dhaqaale, bulsho, dhaqan iyo sidoo kale Gaashaandhigga iyo Amniga.
  2. Labada dal waxay yeelan doonaan xiriir diblomaasiyadeed, waxayna isweydaarsan doonaan safiirro, kor u qaadi doona ganacsiga iyo maalgashiga labada dhinac, iyo sidoo kale isdhaafsiga waxbarashada iyo dhaqanka.
  3. Eritrea iyo Soomaaliya waxay si midaysan uga wada shaqayn doonaan sidii ay gobolka u abuuri lahaayeen nabad, xasillooni iyo is-dhexgal dhaqaale.

Waxaa lagu saxiixay: Asmara July 30, 2018


Xasan Sheekh iyo Isaias Afwerki: (Asmara July 2022)

- Advertisement -

1- Adkaynta xiriirka labada shacab oo ay ku jiraan qurbajoogta labada dal.

2- Xoojinta wada-shaqaynta siyaasadeed iyo diblomaasiyadeed si loo ilaaliyo, loona horumariyo danaha labada qaran.

3-Ballaarinta iskaashiga dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada iyada oo mudnaan gaar ah la siinayo ganacsiga, maalgashiga, biyaha, beeraha, kalluumaysiga, caafimaadka iyo waxbarashada.

4- Sare u qaadidda iskaashiga dhinaca dhaqanka, suugaanta, ciyaaraha iyo sayniska.

5- Adkaynta wada-shaqaynta ilaalinta iyo horumarinta deegaanka iyo wax ka qababashada saamaynta masiibooyinka dabiiciga ah iyo cudurrada faafa.

6- Kor u qaadidda iskaashiga difaaca iyo amniga si loo ilaaliyo nabadda, xasilloonida iyo amniga.

7- In si wadajir ah looga shaqeeyo horumarinta iskaashi, isdhexgal dhaqaale iyo xiriir wanaagsan oo ay yeeshaan dalalka Geeska Afrika.

Waxaa lagu saxiixay Asmara, 12 July 2022

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON