Kulan ay soo qabanqaabiyeen xubno ay isku dhow yihiin Madaxweynaha Galmudug ayaa xalay dhex maray Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor).
Kulankan ayaa la sheegay inuu ku saabsanaa sidii meesha looga saari lahaa mad-madow siyaasadeed oo in muddo ah dhex yaallay Qoorqoor iyo Rooble, waxaana madaxweynaha Galmudug lagu eedeeyay inuu dibindaabyo ku hay Ra’iisal wasaaraha, dhinaca kalena la shaqeeyo Agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin, taageerana u yahay Farmaajo.
Kadib dhacdooyinkii ugu danbeeyay iyo khilaafka culus ee dhex maray Farmaajo iyo Rooble wuxuu madaxweynaha Galmudug iska dhigay dhexdhexaad, waxaana fashilmay isku daygii uu ku doonayey in lagu heshiisiiyo labada dhinac, taasoo keenay inay soo baxdo sida uu ugu janjeero madaxweynaha xilka ka dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Dadaalka la isugu keenay Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Madaxweyne Qoorqoor ayaa la sheegay in lagu xaliyay tabashada ka jiray dhinaca Ra’iisal wasaaraha, iyadoo Qoorqoor uu qaaday tallaabooyin lagu rumeysan karo inuu markan daacad ka yahay la shaqeynta Ra’iisal Wasaaraha, sida inuu baajiyey kulankii Magaalada Garowe ee madaxda Maamul Goboleedyada.
Lama hubo inuu mar kale isbedelay Madaxweynaha Galmudug, laakiin taageerayaasha Rooble ayaa u arka Axmed Qoorqoor inaan la aamini karin oo uu si hoose ugu xiran Fahad Yaasiin, waxaana xilligan kala guurka ah la arki doonnaa sida uu ula shaqeyn doono Ra’iisal wasaaraha uu khilaafka adag kala dhaxeeyo Farmaajo.
