Sunday, January 26, 2025

Maxay ka wadahadleen Safiirka Imaaraadka ee Somalia iyo Wakiilka Qaramada Midoobay..?

Safaaradda Imaaraadka ee Muqdisho iyo wakaalada wararka dalkaasi ayaa shaaciyey kulan dhex maray safiirka Dowladda Imaaraadka u qaabilsan Soomaaliya iyo Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya micheal Keating.

Kulanka ayaa la sheegay inay uga wada hadleen sidii loo xoojin lahaa dadaallada lagu taageerayo geeddi-socodka Nabadda, Xasilloonida iyo Horumarka Soomaaliya. Kulanka oo ka dhacay xarunta Safaaradda Imaaradaadka uu ku leeyahay Muqdisho ayaa ka mida olole safiirka Imaaraadka ku xoojinayo dhaqdhaqaaqiisa.

Wararka laga baahiyey kulanka ayaa intiisa badan ku saabsan taageerada Imaaradka siiyo Soomaaliya, arrimaha shaqo abuurka, amnigaa iyo xasiloonida Horumarka, iyo sidoo kale xaaladda bini’aadanimo.

Ad

Wakaalada wararka Imaaraadka ee WAM ayaa sheegtay in Keating amaanay dadaalka Imaaraadka Carabta, taageerada joogtada ah ee Soomaaliya ee dhinacyada kala duwan iyo kaalinteeda ugu weyn ee horumarinta dalka.

Danjiraha Imaaraadka Carabta Maxamed Cisman Alhammadi ayaa dhankiisa uga mahadceliyay Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan booqashadiisa isagoo muujiyay sida uu u xoojiyay xiriirka iskaashiga ah ee u dhaxeeya Safaaradda Imaaraadka iyo Xafiiska Qaramada Midoobey oo qayb ka ah dadaalada lagu bixinayo taageerada dheeraadka ah.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON