Waxaa magaalada Muqdisho kulan ku yeeshay taliyeyaasha ciidamada Dalalka Qalabka sida ee dalalka Soomaaliya iyo Kenya oo maanta soo gaaray caasimadda Soomaaliya.
Taliyaha ciidan xoogga dalka General Odawaa Yuusuf Raage ayaa kulan wadatashi ah la yeeshay dhiggiisa dalka Kenya General Robert Kariuki, waxayna labada Taliye ayaa ka wadahadleen iskaashiga iyo wada-shaqeynta labada dhinac iyo xoojinta la dagaallanka Kooxda Alshabaab.
Taliyaha Ciidamada difaaca dalka Kenya General Robert Kariuki ayaa Taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ku bogaadiyay howlgalka dagaal ee lagu qaaday Alshabaab ee ka socda dalka, isagoo ballanqaaday in ciidanka Kenya ee qeybta ka ah ATMIS ay door weyn ka qaadan doonaan dagaalka Alshabaab.
General Odawaa Yuusuf Raage ayaa u mahad celiyay Kenya doorka ay qaadaneyso howlgallada Khawaarijta looga xoreynayo dalka, sida ay faafisay warbaahinta dowladda.
