Hay’adda Lacagta Aduunka ee IMF ayaa shaacisay inay Soomaaliya dhammeystirtay wareegga lixaad ee shuruudah ku xiran deyn cafinta.
Bayaan ay soo saartay Hay’adda IMF ayaa sheegtay in Deynta Soomaaliya lagu lahaa hoos loogu dhigayo dhammaadka sanadkan 2023 ilaa $600 milyan oo doolar, halka ay markii hore 2018 ahayd $5.2 bilyan oo doolar.
“Madaxda Soomaaliya waxay sii wadeen inay horumariyaan si ay u buuxiyaan shuruudaha lagu gaarayo Heerka Dhameystirka HIPC oo ah barnaamijka deyncafinta (dalalka saaboolka ah ee ay deyntu la degtay) bisha Diseembar ee 2023, markaas oo deynta dibadda looga leeyahay Soomaaliya lagusoo koobi doono wax ka yar $ 600 milyan oo doolar marka la eego qiimaha saafiga ah oo dhamaadka sannadkii 2018 ahaa $ 5.2 bilyan oo doolar.” Ayaa lagu yiri Bayaanka IMF.
Soomaaliya ayaa ku dedaalaysay inay buuxiso shuruudaha deyn cafinta tan iyo markaas, waxaana dhowr jeer laga cafiyey deymo kala duwan oo ay ku lahaayeen qaar ka mid ah dalalka caalamka.
Talaabadan ayaa ka dhigan horumar weyn oo Soomaaliya ay agartay, taasoo u horseedeyso inay soo deynsato lacago cusub oo horumarineed iyo in dalka laa fuliyo Mashaariic waaweyn.