Beesha Caalamka ayaa mar kii labaad si toos ah u diiday talo soo jeedin ka timid Midowga Musharixiinta xilka Madaxweynaha oo qoraal ay xalay soo saareens kusoo jeediyeen in la dhiso Gole Qaran oo ka shaqeeya doorasho dalka laga qabto.
Golaha ay so jeediyeen Musharixiinta ayaa ka koobmaya: Guddoomiyeyaasha laba Aqal ee Baarlamaanka, madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada, wakiilo ka socda Musharixiinta Madaxweynaha iyo Bulshada rayidk ah, iyagoo iska dhex dooranaya guddoomiye xilkiisu wareeg yahay yeelanaya, si loo dhammeystiro heshiiska 17-ka Septembar 2020-ka.
Beesha Caalamka waxay ku adkeysatay in lasiii wado shirkii Dhuusamareeb 4, waxayna ku booriyeen in madaxweynaha Soomaaliya iyo madaxda Dowlad Goboleedyada dalka inay heshiis ka gaaraan Doorashada sida ugu dhaqsiyaha badan, iyagoo aan soo hadal qaadin markan Saamileyda siyaasadda.
Xogta la helay ayaa sheegeysa in Mareykanka iyo Igiriiska ay hormuud u yihiin in heshiiska lagu koobo Madaxweynaha iyo Madaxda Maamul Goboleedyada, iyagoo aan dooneyn in hannaan ka baxsan dowladda waqtigeedu dhammaaday Doorasho lagu qabto, taasoo keeni karta in xaaladda sii adkaato ama faraha ka baxdo, iyadoo haddii la qaato talada Musharixiinta ay sii kordhayaan dhinacyada isku haya Doorashada oo ay hadda xal ka gaari waayeen lixda mas’uul ee kala ah: Farmaajo iyo shanta madaxweyne ee maamul Goboleedyada.
Tallaabada u hartay beesha caalamka ayaa hadda ah inay culeys kama danbeys ah saaraan Farmaajo iyo madaxda maamul Goboleedyada, ayna ogoleysiiyaan in heshiis laga gaaro arrinta Gobolka Gedo ee darteed u fashilmay shirkii Dhuusamareeb 4.
Beesha Caalamka ayaa hore u diiday talo soo jeedin hore uga timid Midowga Musharixiinta oo ahayd in arrinta Gedo si xal loogu helo Doorashada dadban in lagu qabto Magaalooyinka caasimadaha maaml Goboleedyada oo laga tanaasulo labadii magaalo ee ku jiray Heshiiska 17-ka Septembar.