Saturday, June 21, 2025

Maxay ahayd Warqadii Dowladda Somalia u qortay Itoobiya, kadib Qaraarkii ay ku taageertay Masar…?

Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya Gedu Andargachew ayaa shaaciyey in dowladaha Somalia iyo Jabuuti aysan taageerin qaraarkii Jaamacadda Carabta ee lagu taageeray dalka Masar, laguna eedeeyay dowladda Itoobiya khilaafka ka taagan Webiga Nile oo Masar iyo Itoobiya ay isku hayaan dhismaha Biyo xireenka weyn ee Itoobiya.

Wasiirka ayaa sheegay in Itoobiya ay weydiisatay dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti caddeyn ku saabsan mowqifkooda Jaamacada Carabta, wuxuuna yiri: “Inkastoo dalalkaasi ay qeyb ka ahaayeen qaraarka Jaamacadda Carabta ee lagu cambaareeyay Itoobiya, haddana ma aaminsana in qaraarkaasi uu ahaa mid wanaagsan oo nabad u keeni kara Gobolka”.

Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya ayaa wareysi uu siiyay Wargeyska Reporter ee dalkaasi ku caddeeyay in qoraal ay u direen ay ku sheegeen in qaraarka -Jaamacadda Carabta- aanu kaalin ku lahayn xalinta dhibaatadda, balse uu uga sii darayo, isla markaana ay rumeysan yihiin in dalalka kale ay sidaas oo kale qabaan.

Ad

Itoobiya ayaa si weyn uga carootay in Soomaaliya ay taageertay qaraarka ay Masar wadatay ee Jaamacada Carabta soo saartay shir degdeg ahaa oo ka dhacay magaalada Qaahira, kaasoo lagu eedeeyay Itoobiya inay wado qalalaase ayna diidan tahay in si nabad ah xal loogu helo muranka ka taagan Webiga Nile ee u dhaxeeya labada dal.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON