Sunday, December 8, 2024

Maxay ahayd Farriinta uu Ergeyga Boqorka Sacuudiya soo gaarsiiyay MD. Xasan Sheekh?

Waxaa magaalada Muqdisho shalay soo gaaray Wafdi ka socda Boqortooyada Sacuudiga oo uu hoggaaminayey La-taliyaha Sare ee Diiwaanka Boqortooyada Axmed Binu Cabdicasiis Al-qadaan.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xarunta Madaxtooyada kula kulmay wafdiga Boqortooyada Sucuudi Carabiya oo uu hoggaaminayey Axmed Binu Cabdicasiis, wuxuna ka guddoomay farriinta Boqorka iyo Dhaxal-sugaya Sacuudiga.

Farriinta Boqor Salmaan Bin Cabdicasiis iyo Dhaxal-sugaha Maxamed Bin Salmaan ayaa ku saabsaneyd casuumaad ku socotay Madaxweynaha oo ah ka qeyb galka shirar heer caalami ah oo ka dhacaya Sacuudiga.

Ad

Sida uu sheegay ergeyga Sacuudiga inay ka wahadleen xoojinta xiriirka Somaaliya iyo Sacuudig, gaar ahaan Maalgashiga. Wuxuu intaas ku daray in Somaliya ay taageertay Sacuudiga oo doonaya inuu qabto Bandhigga Expo 2030 oo ka dhacaya Magaalada Riyad, isla markaana ayso dhoweysay Shirweynayaasha koowaad Sacuudiga iyo Afrika iyo Shirweynaha shanaad ee Carabta iyo Afrika oo Sacuudigu marti gelinayo.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON