Monday, February 10, 2025

Maxay ahayd Arrintii uu Madaxweynaha Turkiga ku amaanay Xasan Sheekh sanadkii 2016..?

Madaxweynaha Turkiga ayaa sanadkii 2016 si weyn amaan iyo bogaadin ugu jeediyay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ee xilligaasi uu hoggaaminayey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Arrintan ayaa timid, kadib mowqifkii madaxweynaha ka qaatay inqilaabkii dhicisoobay ee la isku dayey in lagu rido Madaxweyne Erdogan Bishii July 2016, iyadoo Xasan Sheekh uu ka mid ahaa madaxdii ugu horeysay ee la xiriirtay hoggaamiyaha Turkiga, isna barbar taagay.

Recep Tayyip Erdogan ayaa arrintan ka sheegay shir jaraa’id oo ay wadajir u qabteen 28 April 2017 isaga iyo madaxweynihii Soomaaliya ee cusbaa xilligaasi Maxamed C/llaahi Farmaajo, kaaso ka dhacay magaalada Ankara.

Ad

“Madaxweynaha Soomaaliya (Xasan Sheekh Maxamuud) waa ila soo xiriiray waxyar kadib markii inqilaabka la isku dayay, wuxuuna nooga tacsiyadeeyay dadkii naga dhintay, shacabka Soomaaliyeedna waxay Alle ka baryeen inuu Inqilaabka fashilmo..” ayuu yiri Madaxweyne Ordogan.

Turkiga iyo Soomaaliya ayaa heshiisyo waaweyn gaaray intii dalka madaxweynaha ka ahaa Xasan Sheekh sanadihii 2012 -2017, waxaana ay la wareegeen maamulka Dekadda iyo Garoonka magaalada Muqdisho oo ah ilaha ugu waaweyn ee dhaqaalaha dowladda Federaalka.

Goobjooge.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON