Saturday, May 17, 2025

Maxamed Xuseen Rooble: Ra’iisal Wasaare Afar Biloodle ah iyo 8-da Shaqo ee uu isu diray (Akhriso)

Ra’iisal wasaaraha cusub ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Roobe oo maanta 23-ka September codka kalsoonida ka helay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya wuxuu taariikhda ku gelayaa inuu yahay Wasiirkii koowaad ee ugu waqtiga yaraa, waxaan la magacaabay xilli ay dowladda uu ka mid yahay u harsan tahay 4 Bilood oo kaliya.

Xilliga kooban ee uu heyso Ra’iisal wasaare Kheyre kama reebin taageerayaashiisa cusub inuu sheegto inuu wax ka qaban doono 8 Qodob oo waaweyn oo xukuumadii ka horeysay aysan waxbka ka qaban 4 sano ku dhowaad, wuxuuna markii la dhaariyay Baarlamaanka ka hor sheegay inuu soo dhisi doono xukuumad wax ka qaban doonta arrimaha so socda:

1- Arrimaha Amniga

Ad

2-  Arrimaha Doorashooyinka

3-  Horumarinta Dhaqaalaha iyo Adeegga Bulshada

4- Cadaaladda iyo Garsoorka

- Advertisement -

5- Dowlad wanaaga iyo la dagaalanka Musuqmaasuqa

6- Dib u eegista Dastuurka

7-  Dhab u heshiisiinta

8- Iskaashiga Caalamiga ah.

- Advertisement -

Ra’iisal wasaare Rooble ayaa loo arka inuu yahay Mas’uul shaqada kaliya ee laga rabaa ay tahay fulinta ‘Doorasho Dalka ka dhacday 2020/2012 iyo sii wadida howl maalmeedka xukuumadda, iyadoo ay caddahay in dhismaha Golaha Wasiirada cusub ay waqti ku qaadan doonto, siina yareyn doonto mudadda 4-ta bilood ee sharciga ah.

Waxaa yar suuragalnimada in Ra’iisal wasaaraha cusub uu helo waqti ka dheer sharciyadda 4-ta bilood ee ay heysato dowlada hadda jirta, iyadoo nidamka doorasha ee la qaatay uu yahay mid dadban oo xilligaasi lagu qaban karo.

Taageerayaasha Ra’iisal wasaaraha cusub ee u badan qaraabadiisa ayaa u muuqda inay jeclaan lahaayeen in muddo kordhin loo sameeyo Dowladda hadda jirta, Baarlamaankuna uu diido heshiiska Doorashada, iyagoo hore u ahaa kuwii ugu adkaa ee kasoo horjeeday Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iial wasarihii hore Xasan Cali Kheyre.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON