Guddoomiyaha Aqalka Hoose ee Baarlamaanka 10-aad Maxamed Mursal sheekh ayaa lagu qasbay inuu soo saaro qoraal uu ku beeniyayo inuu jiro qorshe mooshin xil ka qaadista Ra’iisal wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta.
Qoraal kasoo baxay Xafiiska Maxamed Mursal ayaa lagu beeniyey wararka la faafiyey ee ku saasban inuu jiro qorshe uu la maleegay Farmaajo oo ku saabsan inuu wado mooshin xil ka qaadista Maxamed Rooble, kadib markii uu ka hor yimid muddo kororsiga ay hormuudka ka ahaayeen Mursal iyo Farmajo.
War-saxaafadeedka kasoo baxay Xafiiska Maxamed Mursal ayaa lagu yiri: “Waxaa magaalada lasoo geliyay warar lagu been abuuranayo Golaha Shacabka oo sheegaya inuu damacsan yahay in xil ka qaadis lagu sameeyo Ra’iisal wasaare Rooble, taas oo ah war been abuur ah”.
Qoraalka waxaa lagu caddeeyay fadhiga Sabtida dhacaya, wuxuuna u qornaa sidatan:
Xafiiska Guddoomiyaha Golaha Shacabku.Waxuu dhamaan Xildhibaanada. Xukuumadda iyo Dadweynaha lala Sococlsiinayaa maalinta Sabtiga Ida May, in Madaxweynaha JFS uu hor imaanayo Golaha Shacabka uuna codsanayo in Goluhu ansaxiyo hcshiiska dib¬loogu noqanayo hirgalinta iyo fulinta I leshiiskii Doorashada ee 17 September 2020 si dalku u doorasho dcgdcg u galo. waxaa magaalada la soo galiyey warar lagu been Abuuranayo Golaha Shacabka oo sheegaya in Golaha Shacabku damacsanyahay in R/Wasaarc Rooblc Xii ka Qaadis lagu samayo taas oo ah War been abuur ah. Xiligan adage ee dalku juro, waa in Shacabka iyo Dawladda isla shaqeeyaan si ay u ilaashadaan dagnaashaha iyo horumarka dalkooda
Warkan ayaa soo baxay kadib markii uu beenin kale soo saarya xoghayaha Golaha Shacabka C/kariin Buux oo isna lagu beeniyey arrintan.
HOOS KA AKHRISO