Beesha Caalamka ayaa ka hor timid inuu fashilmay shirkii hordhaca ahaa ee Xarunta Afisyoone uga socday Madaxda Dowladda Federaalka iyo maamul Goboleedyada, iyado meesha laga saaray go’aankii xukuumadda, looguna baaqay madaxda labada dhinac inay ku laabtaan shirka.
Dalabkii xalay kasoo baxay Beesha caalamka wuxuu si toos ah ugu socday Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo oo maamulkiisa uu shaaciyey in shirkaasi fashilmay, eedana dusha u saaray madaxweynayaahsa maamul Goboleedyada Puntand iyo Jubbaland.
Waa xaalad adag inuu Farmaajo ku laabto shirka Afisyoone, isagoo raacaya amarka Beesha Caalamka, waxaana u furan saddex go’aan inuu qaato midkood, iyadoo ay markan ay si toos ah isu wajahayaan isaga iyo Beesha Caalamka.
Saddexda tallaabo ee u furan Farmaajo xilligan waxay kala yihiin:
1- Inuu sii wado shirka aan waxba jasoo baxeyn dhinaciisa, una wakiisho Ra’iisal wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble, kana war sugo xaaladda.
2- Inuu diido ka qeyb galka shirka Afisyoone, siina wado qorshihiisa ah muddo kororsiga laga ansixinayo Golaha Shacabka, taasoo si toos ah isaga horkeeneysa isaga iyo Beesha Caalamka.
3- Iyo inuu qaato tallaabooyin kale oo lama filaan ah (Nuclear Option) sida inuu joojiyo la-shaqeynta beesha Caalamka, inuu eryo wakiilka Q/Midoobay ee Soomaaliya ama inuu abuuro xaalad kale oo lagu mashquulo.
Qodobka ugu danbeeya ayaa ku adag madaxweyne muddo xileedkiisu dhammaaday oo sharciyadiisu qabyo tahay, laakiin waxaa aad loogu bartay Farmaajo iyo kooxda yar ee la talisa inay marba la yimaadaan xaala abuur jawiga wax ka bedeli kara si xaalad adag oo heysata looga baxsado ama dib loogu dhigo.
