Madaxweynihii hore ee Hirshabeelle oo dhowaan banneeyay xilkii La-taliyaha madaxweynaha Soomaaliya ayaa jago sare looga magacaabay Urur Goboleedka IGAD.
Maxamed Cabdi Waare ayaa loo magacaabay Ku-Xigeenka Xoghayaha Guud ee urur Goboleedka IGAD, kadib markii uu magaalada Jabuuti kusoo dhammaaday shir madaxeedkii IGAD.
Qoraal kasoo baxay Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti oo hadda ah shir-guddoonka IGAD Maxamud Cali Yuusuf ayaa lagu shaaciyay magacaabidda Maxamed Cabdi Waare oo kasoo baxday shir -madaxeedkii IGAD.
Dhinac akle Wasiirka Warfaafinta Daa’uud Aweys ayaa qoraal uu soo saaray ku ku sheegay in agacaabistaa Mudane Waare ay tahay guul diblomaasiyadeed oo u soo hoyatey Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Xilka IGAD waxaa siyaasiyiinta raadinayay ee madaxweyne Xasan Sheekh u sheegay inuu siin doono ka mida Xildhibaan C/raxmaan C/shakuur Warsame.