Madaxweynihii hore ee Hirshabeelle ee xilka iska casilay Maxamed Cabdi Waare ayaa kashifay sababta Doorasho kasta loogu dagaalamo Hirshabeelle, isagooo ka deyriyey xaaladda uu hadda taagan yahay maamulkaasi.
“Neefka xoolaha wuxuu gaaraa markii xanuunsado inuu Maqaarkisa ka qiimo bato… Hirshabeelle Waxaa lagu dagaalamyaaMaqaarka waaye. Maqaarkuna waa 45 kursi oo meeshaas taalla. Doorashadii 2016-ka sidaan ayey ahayd hadana sidii ayaa socotaa.. haddaad rabtaan xaaladiina nololeed inay wax iska bedesho arrintaas wax ka bedela..” ayuu yiri Maxamed Cabdi Waare oo wareysi siiyey Horfadhi Media.
Waare ayaa sheegay inuusan Madaxweyne ahayn wixii maanta ka danbeeya, xilkiina uu si rasmi ah isku casilay. wuxuuna dadka Hirshabeelle ugu baaaqay inay heshiiyaan oo aan cid gaara geeska la gelin, la isuna xulufeysan dano gaara.