Sunday, May 25, 2025

Maxaad ka taqaan Ra’iisal wasaaraha cusub ee Soomaaliya, Yaase ka danbeeyay magacaabidiisa..? (Akhriso)

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa xalay saqdii dhexe 17 September 2020 soo magacaabay Ra’iisal wasaaraha cusub ee Soomaaliya, kadib markii laga sugayeymuddo 55 maalmood ah oo dalku ahaa Ra’iisal wasaare iyo xukuumad la’aan.

Ra’iisal wasaaraha cusub ayaa lagu magacaabaa Eng. Maxamed Xuseen Rooble, waana injineer qurbe-joog ah oo siyaasadda ku cusub, isagoo inta badan lasoo shaqeeyay Hay’adda Shaqaalaha Adduunka ee ILO, magacaabidiisa ayaana kusoo beegantay saacado kadib markii heshiis laga gaaray Doorashada 2021.

Mudane Maxamed Xuseen Rooble wuxuu sanadkii 1963 ku dhashay degmada Hobyo ee Gobolka Mudug, waana qurbe-joog heysta dhalashada dalka Sweden oo qoyskiisu degan yihiin, wuxuuna muddo dheer oo ka badan 14 sano la shaqeynayey Q/Midoobay, gaar ahaan hay’adda International Labor Organization (ILO).

Ad

Wuxuu ka baxay Jaamacaddii Umadda oo Darajada koowaad ee Injineernimada uu ka qaatay, kadibna wuxuu Shahaadada labaad ee Master-ka ka qaatay Jaamacadda KTH (Kungliga Tekniska Högskolan) ee Stocholm, Sweden isagoo bartay Environmental Engineering and Sustainable Infrastructure, waa xaas leh 5 caruur ah, oo ku hadla ilaa saddex Luuqadood Somali English & Swedish.

Xogta la helay ayaa sheegeysa in Ra’iisal wasaaraha cusub ay Madaxweyne Farmaajo ku qanciyeen inuu magacaabo guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka C/weli Ibraahim Muudey iyo sii-hayaha Wasiirka Batroolka & Macdanta C/rashiid Maxamed oo ay wada shaqeyn jireen, dhowr jeerna uu Madaxweyne Farmaajo kulamo la yeeshay.

Xilligan oo dalku ku jiro xaalad kala guur ah, Ra’iisal wasaaraha cusubi wuxuu kusoo dhex dhacay xaalad aan hore u soo marin Ra’iisal wasaareyaashii ka horeeyay, iyadoo xilliga dowladda Madaxweyne Farmaajo uu gabaabsi tahay ayaa haddana laga rabaa inuu soo dhiso xukuumad shaqada kaliya ee laga rabo ay tahay inay fuliso qabashada Doorasho dadban oo si adag la isugu heysto.

- Advertisement -

W/D: Goobjooge.net



Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON