Saturday, March 22, 2025

Maxaad ka taqaan Laacibka Soomaaliyeed ee Mucjisada ka dhigaya Tartanka K/Cagta Asian Cup..?

Laacib asalkiisu yahay Somali ayaa wacdarro ka dhigay taranka kubadda cagta dalalka Asia ee Asian Cup oo ka socda dalka Imaaraadka Carabta, isagoo ka qeyb qaatay inuu dalkiisa Qatar oo gaaro ciyaarta kama danbeysa ee koobkaasi oo ay la ciyaari doonaan dalka Japan.

Akram Hassan Afif, waa ciyaaryahan Soomaiyeed oo November 1996 ku dhashay magaalada Doha ee dalak Qatar. Haatan wuxuu amaah ugu ciyaara kooxda Al Sadd, laakiin waxaa iska leh kooxda reer Spain ee Villarreal.

Image result for Akram Hassan Afif

Ad

Akram Afif waxaa uu kasoo jeedaa Qoys Sports, waxaa la dhashay Ali Afif, oo ah ciyaaryahan kubadda cagta ciyaara oo katirsan kooxda QSLside Lekhwiya.

Aabihiis, Hassan Afif, wuxuu ahaa ciyaaryahan hore oo caan ka ahaa geeska Africa, isagoo u ciyaaray kooxaha Simba Tansaaniya iyo Horseed Soomaaliya ka hor inta uusan u guurin dalka Qatar.

Akram Afif wuxuu ku hadlaa luuqada Isbaanishka maadaama uu u ciyaaray kooxaha Sevilla iyo Sporting Gijon. Waxaa loogu yeeray xulka qaranka kubada cagta Qatar bishii September 2015, iyadoo tababare Daniel Carreño uu siiyay fursadiisii ugu horeysay.

- Advertisement -

Wuxuu dhaliyay goolkii 1aad ee xulkaan 3dii September 2015 intii lagu jiray kulamadii isreebreebka Koobka Aduunka 2018.

Waxa uu sidoo kale haatan kala qeyb galayaa xulkiisa Ciyaaraha Asian Cup, hakasoo oo uu wadaro ka dhigayo. Afif ayaa Saddex caawin ka sameeyay kulankii Semfinalka Asian Cup oo ay xulkiisa 4-0 kaga badiyeen UAE.

Akram yaa xulkiisa ka caawiyay inay markii ugu horeysay gaaraan Finalka Asian Cup oo ay ku wajahayaan xulka Japan.

Wiilkaan waa 22 jir, mustaqbal fiican kuleh kubadda cagta, wuxuu ka garab ciyaaraa heerka kooxda Xavi oo looga haray Qibrad khadka dhaxe ee garoonka.

Warar Xul ah
SourceGoolnet

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON