Saturday, March 15, 2025

Maxaad ka taqaan la-taliyaha cusub ee Madaxweyne Farmaajo u magacaabay dhinaca Amniga..? [Akhriso]

Ergeyg Q/Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Micheal Kaeting ayaa shaaciyey in Cabdi Saciid Maxamed Cali loo magacaabay la-taliyaha cusub xagga amniga qaranka.

Qoraal uu Keating baraha bulshada soo dhigay isagoo la sawiran la-taliyaha cusub ee madaxweyne Maxamed Cabduulahi Farmaajo uu magacaabay ayaa lagu ogaaday magacaabidda, iyadoo markaas kadib ay madaxtooyada xaqiijisay arrintan.

Cabdi Saciid ayaa noqonaya la-taliyihii 3aad ee xagga amniga uu Farmaajo yeesho in ka yar 10 bilood oo uu xilka madaxweyne hayay, iyadoo uu hadda madaxtooyada agaasime ka yahay agaasimihii saddexaad.

Ad

HOOS KA AKHRISO TAARIIKHDA LA-TALIYAHA CUSUB EE MADAXWEYNAHA

Waxbarashada: 

1993 – 1996: Delta University ayuu ka qaaday Bachelor la xiriirta ganacsiga, isla cilmigaas ayuu mar kale Bachelor uga qaaday 1996 – 1998 Jaamacadda Van Hall Larenstein.

- Advertisement -

1999 – 2000: Jaamacadda The University of Texas at Dallas, waxaa uu ka qaaday Postgraduate, ee dhaqaalaha iyo falanmqeynta warbixinnada.

University of Nairobi waxaa uu ka barya cilmiga siyaasadda, Harvard University, John F. Kennedy School of Government waxaa uu ka dhigtay istaraatiijiyadda halka Clingendael Netherlands Institute of International Relations uu ka dhameeyay cilmiga amniga.

Xagga Shaqada:
2004-2005 waxaa uu Lataliye Technical Advisor u ahaa TFG-da Cabdullahi Yusuf, isaga oo isla jagadaasi ka qabtay 2006-2008dii, waxaa intaas kadib ka shaqeeyay Safaaradda Talyaaniga,

Urur goboleedka IGAD ayuu kala shaqeeyay amniga xuduudaha iyo badaha, waxaa uu sidoo kale bare ka noqday Foreign Service Institute oo Kenya ah iyo Jaamacadda Muqdisho.

- Advertisement -

Cabdi Saciid waxaa uu Soomaaliya wakiil uga ahaa hey’adda Nordic International Support Foundation isaga oo gobollo badan mashaariic ka fuliyay, isla hey’addaas ayuu madax uga noqday barnaamijka horumarinta Itoobiya iyo IGAD. Hadda 2dii sano ee ugu dambeysay, waxaa uu midowga Yurub lataliye uga ahaa amniga.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON