Saturday, May 17, 2025

Maxaad ka ogtahay Qabyada Prof. Jawaari dhameystiri doono haddii la doorto..?

Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ee tobnaad ayaa  maanta lagu wadaa inay ka dhacdo magaalada Muqdisho.

Musharixiinta ugu cadcad ee loo saadaalinayo inay xilkan ku guuleystaan waxaa ugu horeeya Guddoomiyihii hore ee Baarlamaankii 9aad Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) oo lagu wado inuu ugu horeyn doono madaxda dowladii hore ee dib loo dooranayo.

Prof. Jawaari ayaa dhowaan u sheegay xildhibaano la kulmay in arrinta ugu weyn ee qabyada ah oo uu doonayo inuu dhameystiro haddii la doorto ay tahay “DASTUURKA”. Wuxuuna sheegay in dhameystirka Dastuurka ay tahay howsha uu doonayo inuu wax ka qabto haddii xilka dib loogu doorto.

Ad

Qabyada Prof. Jawaari sheegay ayaa ah howsha ugu weyn ee hortaalla dowladda cusub ee Soomaaliya, iyadoo baarlamaankii hore aanu wax weyn  ka qaban arrimaha Dastuurka.

Goobjooge.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON