Ciyaartoydii xulka Dowlad Goboledka K/Galbeed ayaa ka degay magaalada Baydhaba ee xarunta Gobolka Bay, kadib weerar ay taageerayaal ku qaadeen markii ay dhammaatay ciyaarii 3 iyo 0 looga badiyay e Galmudug.
Guuldarrada kooxda K/Galbeed iyo waxyeellada gaartay ayaa keentay inay xaaladda soo dhex galeen siyaasiyiin, waxayna isu bedeshay dood adag oo beeleed iyo mid degaan, taasoo ugu danbeyn la xalin waayey.
Ka bixitaanka xulka K/Galbeed ee ciyaaraha Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa ka dhigan fashil hareeyay tartanka oo markii hore ay ka maqneyd Puntland, waxaana madaxda dowladda Federalka, xiriirka K/Cagta iyo maamulka Gobolka Banaadir ee martida loo ahaa weji gabax kasoo wajahayaa arrintan.
Qaar ka mida Xildhibaannada kasoo jeeda K/Galbeed ayaa xaaladda uga sii daray, iyagoo ka dhigay kiis ay kula dagaalamaan xukuumadda iyo dowladda Federaalka, iyadoo su’aallo badan ka dhasheen qaabka loo maamulay dhacdadan isboorti ee caadiga ah.
Xamaasadii tartanka K/cagta ee Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir oo ah dhacdo weyn oo isboorti , horumar amni iyo is dhexgal bulsho ayay dad dano gaara leh u bedeleen dagaal qabiil, mid degaan iyo siyaasad laga dhex raadiyo, taasoo keenay natiijada ay xulka K/Galbeed uga baxeen tartankaasi, inkastoo rajadooda ay liidatay.