Sunday, March 23, 2025

Maxaa Madaxda Galmudug, K/Galbeed & Hirshabelle looga reebay Shirka Arrimaha Doorashada Muqdisho..?

Wararka laga helayo Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegaya in madaxda saddexda maamul Goboleed ee Galmudug, K/Galbeed iyo Hirshabeelle laga reebay shirka Muqdisho ee madaxda Puntland iyo Jubbaland la yeelanayaan Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Shirkan oo ay qabanqaabisay Beesha Caalamka ayaa suuragal ka dhigay inay Muqdisho yimaadaan madaxweynayaasha Puntland Siciid C/llaahi Deni iyo Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo la qorsheeyay inay kulamo kala duwan la yeeshaan wakiilada Beesha Caalamka iyo madaxweyne Farmaajo.

Kulamada saddex geesoodka ah ee Farmaajo, Deni iyo Madoobe ayaa looga doodayaa in heshiis laga gaaro Doorashada 2020/2021, iyadoo labada maamul laga qanciyo qodobo ka mida heshiiska Doorashada Dhuusamareeb 3 oo ay ka hor yimaadeen.

Ad

Saddexda Madaxweyne ee Galmuudg, Hirshabelle iyo K/Galbeed ayaa hore heshiis doorasho ula saxiixday Madaxweyne Farmaajo, waxayna taasi keentay inaan loo baahan shirka Muqdisho, iyadoo wararka qaar sheegayaan in marka heshiiska doorasho ay gaaraan saddexda dhinac, kadib shir kale oo guud loogu yeeri doono.

Madaxweynaha Puntland ayaa shirar uu Garowe kula yeeshay golayaasha maamulkiisa u sheegay inaysan wax isbedel ku imaan siyaasadda Soomaaliya, heshiiskii Dhuusmaareeb 3-na uu dhex maray madaxweyne Farmaajo iyo saddexdii maamul ee markii horeba taageersanaa.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON