Wararka laga helayo magaalada Ceelbuur oo Galabta u gacan gashay ciidmada dowladda iyo ciidamada degaanka ayaa sheegaya inay magaaladu haawaneyso oo ay cidlo tahay.
Alshabaab ayaa isaga baxay markii ay ku dhowaan ciidamada is kaashanaya, waxaana la sheegay in maalmihii ugu danbeeyay ay ka guureen magaalada, kuna qasbeen dadkii deganaa inay isaga baxaan.
Dad ku dhow 30-kun ruux ayaa la qiyaasay inay Ceelbuur ku noolaayeen, balse waxaa galabta isku bedeshay meel cidlo ah oo kaliya ay ku hareen shaqsiyaad kooban oo ku sugan xarumaha isgaarsiinta iyo ceelasha.
Degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa waxaa gacanta ku hayay kooxda al-Shabaab tan iyo sanaddii 2017 oo ay dib u qabsadeen.
Dib u qabsashada Ceelbuur ayaa noqonaya guul-darro xooggan oo kooxda Al-Shabaab soo wajahaday, maadama u ahaa fadhiisinkii ugu weynaa ee kooxdu ay ka joogtay bartamaha Soomaaliya.