Hogaamiyaha xisbiga Himilo Shariif Sheekh Axmed iyo xubno ka mida xisbigiisa ayaa maanta la kulmay safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto.
Kulanka oo ka dhcay xarunta safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa looga wadahadlay xaaladda guud ee dalka iyo aragtida madasha xisbiyada qaran ee geediga Doorashada 2020/2021, iyadoo qoraal uu soo saaray Shariif Sheekh Axmed uu ku sheegay inay laba dhinac isku waafaqeen ahmiyada ay leedahay qabsoomidda doorasho hufan oo ay ka heshiiyaan saamileyda siyaasadda sida Dowladda dhexe, dowlad goboleedyada iyo xisbiyada siyaasadda.
“Waxaan -safiirka Mareykanka- la wadaagnay in marna aanan raali ka ahayn dib u dhac iyo waqti kordhin loo sameeyo dowladda oo ay waajib tahay in doorasho la aado…” ayuu yiri Sheekh Shariif.
Dhinaca kale safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa shaacisay kulanka dhex maray Sheekh Shariif iyo safiir Donald Yamamoto, iyadoo sheegtay inay isla garteen mucaaradka, dowladda iyo dowlad Goboleedyada inay ka wada shaqeeyaan waxa danta u ah Soomaalida, iyadoo safiirku ku dhiirigeliyey iskaashi dhex maray dhammaan dhinacyada ay quseyso si loo abuuro xaalad ay ku dhici karto doorasho waqtigeeda aan ka dib dhicin, oo xor iyo xalaal ah.

