Madaxweynaha Jubbaland ee dib u doorashadiisa muranka dhalisay Axmed Maxamed Islaam oo ku sugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa kulan la yeehsay saaka gudoomiyaha Xisbiga ONLF iyo xubno kamid ah wafdigiisa oo isna tegay magaalada Nairobi.
Kulankan oo ay hore uga digeen saraakiil ka tirsan dowladda Itoobiya ayaa la sheegay inay soo qabanqaabisay dowladda Kenya oo taageersan doorashadii Axmed Madoobe, waxaana Itoobiya ay ka walaacsan tahay qorshaha dowladda Kenya ku dooneyso inay saameyn ku yeelato Beesha Ogaadeen ee u badan Ismaamulka Soomaalida Itoobiya.
Xafiiska Axmed Madoobe ayaa shaaciyey in kulankan uu ahaa Hambalyo uu Axmed Madobe ugu hambalyeynayay doorashada gudoomiyaha cusub ee xisbiga ONLF mudane Cabdiraxmaan Maadey, sidoo kalena looga hadlay is xog-wareysi dhinaca siyaasadda geeska Afrika iyo isku-wadida bulshada dal iyo dibadba, wuxuuna kulanka kusoo dhamaadey is-afgarad buuxa iyo sidii loo ilaalin lahaa isku duubnida ummada Soomaaliyeed dalkastaba ha joogaane.

