Sunday, March 23, 2025

Maxaa loo baajiyey shirkii Baarlamaanka ee Maanta..? [Wararkii ugu danbeeyay wadahadal xoog leh oo socda]

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in fadhigii Baarlamaanka ee ay maanta qorsheynayeen xildhibaannada mooshinka ka wada guddoomiyaha Baarlamaanka loo joojiyey xalay saqdii dhexe iyadoo aan la shaacib sababta.

Xogta laga helayo xafiiska guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka C/weli Ibraahim Muudey ayaa sheagaya in lagu soo wargeliyey inuu hakiyo farriimo loo kala diri lahaa maadaama ay socdaan wadahadallo lagu doonayo in xal loogu helo arrinta.

Waxaa jira dadaal hor leh oo lagu doonayo in lagu qanciyo Guddoomiye Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari), iyadoo uu guddi arrintan u magacaabay Jawaari, waxaana la sugayaa dinaca kale inay soo magacaabaan guddi waanwaanta u gala.

Ad

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya rajada laga qabo inuu tanaasulo guddoomiye Jawaari oo hore uga baxay heshiis uu la galay madaxweyne Farmaajo, isagoo diiday inuu is casilo, eedeyna u jeediyay madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha.

Dhinaca kale doorka Beesha caalamka ku yeelaneyso khilaafka Baarlamaanka Somalia ayaa sii kordhaya, waxaana arrintan diidan Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha oo ku adkeysanaya in khilaafkan lagu xalinayo baarlamanka dhexdiisa, iyadoo xiriiro kala duwan oo wakiilada beesha caalamka ka yimid lagu cadaadinayo madaxweynaha inuu keeno xal degdeg loogu dhammeeyo is-heysadka ka dhex jira Baarlamaanka.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON