Kadib Qoraalkii talo-soo jeedinta xildhibaanada Baarlamaanka ee Guddoomiyaha Baarlamaanka u diray Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre waxaa soo baxay dood ku saabsan qoraalkaasi.
Qeybta ugu weyn ee cambaareynta waxay ku dhacday Guddoomiyaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) oo dadka qaarkiis ay ku sheegeen daneyste, qaar kale ku eedeeyeen qaran dumis, iyo qaar ku sheegay inuusan aqoon lahay…!!!
Haddaba waxaan dib u eegeynaa qoraalka ‘TALO SOO JEEDINTA’ ee loo diray, waxaa la oran qoraalku ma ahayn “MOOSHIN” sida dad badan u heystaan. mana ahayn “AMAR – QARAAR” kasoo baxay Baarlamaanka ee wuxuu ahaa “ARAGTI SIYAASADEED” Â oo ka timid xildhibaano 100 ka badan oo ku socotay madaxweynaha qeybo ka mid ahna ay sax ahaayeen, marka sharci ahaan loo eego.
Talo soo jeedintu waa arrin ay sameyn karaan xildhibaanada Baarlamaanka, horena waxaa u dhacday in wasiir ka mida xukuumad ay xildhibaanadu kasoo jeediyeen talo ah inuusan shaqadiisa gudan oo Ra’iisal wasaarihiisii loo gudbiyay.
QODOBADDA AY CUSKADEEN XILDHIBAANADA
1- AWOOD QEYBSIGA BEELAHA: Waa qodobka ugu weyn ee ay xildhibaanada diidan xukuumadda cusub cuskadeen in lagu xadgdubay, waana heshiis hoose oo Soomaalidu awoodda ku qeybsato, kaasoo ka weyn dastuurka qoran, haddii aysan sidaasi ahayn waxaa la arki lahaa madaxweyne iyo Ra’iisal wasaare ka soo jeeda hal beel.
Qodobkaas ma cadda marka ay tagto beelaha dhexdooda, waana arrin adag in mararka qarkood jufooyin hoose jagooyin loo qeybiyo, tusaale ahaan in jufo heysata kursiga Baarlamaanka aan loogu darin jago wasaaradeed.. waxaana laga yaabaa in R’iisal wasaare Kheyre ay khaladaad noocaasi ka galeen beelo aan badneyn. Qodobkan lama oran karo waa arrin weyn oo dhaqaajisay xildhibaanadan.
2- Qodobka 69-aad, Faqridiisa labaad waa mid kale oo ay cuskadeen xildhibaanada diidan qaab dhismeedka xukuumadda cusub, taasoo micnaheedu yahay caddeynta in xildhibaanada ay awood u leeyihiin hubinta dhaqangelinta sharciga iyo korjoogteynta hay’adaha qaran.
Qodobka isma waa muujin awoodeed iyo inay xildhibaanada wixii ay u arkaan sharci darro tallaabo ka qaadi karaan.
3- Â Qodobka sharci ahaan quseeya wasiirada la magacaabay waa qodobka sheegaya in wasiirada ay aqoontoodu gaarsiisan tahay heer Jaamacadeed, waana qodob muddo heer lagu tumanayay, laakiin aysan suuragal ahayn in la caddeeyo arrintan maadaama shahaado Jaamacadeed ay sameysan karto cid waliba xaaladda dalka ka jirta awgeed.
Wasiirada uu magacaabay Ra’iisal wasaare Kheyre qaarkood waa dhalinyaro, qaar kalena waa dad ku cusub siyaasadda, 42 ka mida waa xildhibaanno. 8 xubnood haween oo 6 ka mida wasiiro yihiin, mana jirto wax badan oo ay uga duwan tahay xukuumadihii hore marka laga reebo in qabqableyaashii xildhibaanada ay iska waayeen.
Haddii aan isku soo duubno qoraalka Prof. Jawaari soo saaray wax denbi ah kuma laha, kaliya wuxuu soo gudbiyay aragtida xildhibaano 105 xubnood ah oo aragtidooda aanu meel iska dhigi karin ama dabooli karin, mana aha dhibaato iyo carqalad ee wuxuu ra’iisal wasaaruhu xaq u leeyahay inuu dib u saxo ama ku adkeysto, mar walibana wuxuu u baahan yahay kalsoonida Baarlamaanka.
Faaqidaadda Goobjooge.com