Sunday, January 26, 2025

Maxaa lagu arkay dhufeysyadii Aaggii Jaamacadda Guriceel ee ay ka baxeen Ahlu Suna..?

Ciidamada dowladda iyo Maamulka Galmudug ayaa la wareegay saaka aagga jaamacadda ee ay afar maalmood ka dagaalamayeen kooxda Ahu suna.

Goobtaasi ayaa waxaa tegay ciidamada Galmudug iyo kuwa dowladda, waxaana sidoo kale warbixinno kasoo diray weriyeyaasha saaka halkaasi gaaray, iyagoo soo weriyey in halkaasi lagu arkay dhufeyso waaweyn oo Ahlu suna ka qodatay halkaasi.

Arrimaha lagu arkay Aagga jaamacaddaha waxaa ka mid ahaa Meydad si weyn isu bedelay oo qaarkood ay dillaaceen, Faleebooyin iyo Dawooyin ka isticmaalay. Waxaa sidoo kale looga tegay Gaadiid dagaal oo ay lahaayeen ciidamada dowladda, balse ay horay u qabsadeen Ahlu suna.

Ad

Dhufeysyada iyo Godad ay ku wareegsan yihiin dhagxaan ayey Ahlu suna ka sameysteen agagaarka xarunta jaamacadda, isuna jira ilaa 100 mitir, waxaana sidoo kale dhufeysyada ka mid ahaa Konteenaro la dul saaray jawaanno carro oo ay difaac uga jireen Ahlu suna.

Waxay kaloo ciidamada Ahlu suna difaacyo dhigteen aaggaga dhinaca waqooyi ee magaalada laga soo galo ee ku teedsan xarunt jaamacadda, waxaana halkaasi ku yaallay Foorno ay Rootiga ku duban jireen.

Sheekh Shaakir iyo ciidamada Ahlu suna ayaa xilli danbe xalay isaga baxay Guriceel, kadib waanwaan ay galeen ganacsato iyo siyaasiyiin, waxayna wararku sheegayaan inay ugu danbeyn degi doonaan degaanka Bohol ee oo saldhig ay ku leeyihiin.

- Advertisement -

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON