Waxaa si rasmi ah mar kale loo xaqiijiyay in duqeyn Diyaaradeed lagu dilay taliyihii Sare ee Alshabaab u qaabilsanaa dalka Kenya Macalin Ayman, kadib weerar ka dhacay 17-kii bishan Disembar 2023.
Hawlgalkan ayaa la sheegay inay iska kaashadeen Ciidanka Qaranka Soomaaliya iyo Ciidamada Mareykanka, wuxuuna ka dhacay degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe.
Horjooge Macalin Ayman oo lagu magacaabo Khaliif Daa’uud ayaa ahaa taliyaha ugu saameynta badan Alshabaab, waxaana magaciisa lagu dhisay ‘Jeysh Ayman’ oo ah ciidamo ka howlgala dalka Kenya (NFD), kuwaas oo qaaday weeraro culus oo qasaare badan geystay.
Mid ka mida weerarrada Macali Ayman abaabulay wuxuu ahaa Weerarkii Alshabaab ku qaaday saldhiga ciidamada Mareykanka ee Manda-Bay ee dalka Kenya, kaasoo lagu dilay 4 qof oo Mareykan ah oo ciidamo iyo Qandaraaslayaal isugu jiray.
Mareykanka ayaa liiska dadka uu raadinayo ku daray Macalin Ayman, wuxuuna madixiisa saaray malaayiin Dollar oo dhowr jeer la kordhiyay, lana gaarsiiyay 10 Milyan Dollar; balse ugu danbeyn waxaa lagu dilay Duqeyn ay fulisay Diyaarad Drone ah.
Taliska ciidamada Xooga dalka ayaa markii ugu horeysay 19-kii Disembar sheegay in la dilay Macalin Ayman, kadibna waxaa geeridiisa lagu xaqiijiyay war ay soo saartay Dowladda Federaalka Soomaaliya 22-kii Disembar.
Taliska Ciidamada Mareykanka ayaa xaqiijiyay Duqeynta ka dhacday Jilib 17-kii bishan Disembar 2023, in lag dilay hal qof, balse ma shaacin magaca qofka la dilay.
Sidoo kale Alshabaab ayaan ilaa iminla wax war ah ka soo saarin duqeynta lagu dilay mid ka mida taliyeyaashoodii ugu muhiimsanaa ee Macalin Ayman.