Madaxweynaha cusub ayaa loo dhaariyey Golaha Milateriga ee la wareegay talada dalka Suudaan, kadib marii uu 24 saac gudahood isku casilay madaxweynihii cusbaa ee talada dalkaasi qabsaday Cawad Bin Cawf.
Waxaa Madaxa Golaha Sare ee Milateriga dalka Suudaan loo magacaabay Jeneraal C/fataax Burhaan C/raxmaan oo noqon doona madaxweynaha cusub ee Suudaan, wuxuuna hore u ahaa sarkaal sare basle aan aqoon badan loo lahayn, isagoo soo qabtay xilka Taliyaha ciidamada Lugta iyo xilligan oo uu ahaa kormeeraha guud ee ciidamada dalkaasi.

Madaxa cusub ee Golaha Milateriga Suudaan ayaa la sheegay inuu yahay sarkaal ay ogolaan karaan dadweynaha iyo xisbiyada mucaaradka ah, iyadoo 24 saacadood gudahood laba madaxweyne la riday dalka Suudaan.
Wuxuu howlo milateri uga soo shaqeeyay inta badan gobollada dalka Suudaan, isagoo ka howlgeli jiray Koonfurta Suudaan oo ka go’day Suudaan, waxaana la sheegay inuu diiday xil siyaasadeed oo madaxweynihii hore Cumar Albashiir damcay inuu u magacaabo.

Kadib markii lagu dhawaaqay inuu is casilay Cawf Bin Cawad ayaa dabaaldegyo ka bilowdeen goobaha ay bannaanbaxyadu kasocdeen ee magaalooyinka dalka Suudaan, waxaan si weyn loo soo dhoweeyay madaxweynaha cusub ee KMG ah.