Monday, February 10, 2025

Maxaa keenay khilaafka u dhaxeeya Siciid Deni iyo Axmed Qoorqoor..? (Kaalinta uu Farmaajo ku lahaa)

Qaar ka mida Midowga Musharixiinta ayaa dadaal ugu jira inay waanwaan ka dhex sameeyaan Madaxweynayaasha Galmudug Axmed Cabdi Kaahiye iyo Siciid C/llaahi Deni oo khilaaf iyo madmadow siyaasadeed soo dhex galay.

Arrintan soo shaac baxday, kadib markii habeen hore uu kulan dheer dhex maray Axmed Qoorqoor iyo afar ka mida Midowga Musharixiinta ayaa salka ku heysa in xal loo helo xurgufta u dhaxeysa labada madaxweyne oo ah mid ku kooban Qoorqoor, kana dhalatay hadalkii dhab-ka-hadalka ahaa uu Madaxweyne Deni ka jeediyey magaalada Garowe (Akhriso).

Qoorqoor ayaa u arka Siciid Deni inuu halis ku yahay maqaamkiisa, isla markaana uu faragelin ku hayo dadka uu metelo, mar walibana u qasdo inuu weerarro kaalintiisa, wuxuuna xubno u dhow marar badan u sheegay in Deni uu doonayo inaysan doorasho dhicin iyo in dagaal ka qarxo caasimadda.

Ad

Ilo xog ogaal ah ayaa u sheegay Goobjoge.net in Madaxweyne Farmaajo uu dadaal badan u bixiyey sidii uu u kala fogeyn lahaa Galmudug iyo Puntland, isagoo dagaal siyaasadeed oo xoog leh kula jira Siciid Deni, wuxuuna khilaafka uu xooggiisa ka socdo Madaxtooyada Soomaaliya oo saameyn ku leh Qoorqoor.

Qoorqoor oo Midowga Musharixiinta ka ogolaaday inuu door weyn ku yeesho Doorashada, isla markaana kala shaqeeyo sidii ay doorasho xalaal ah u dhici lahayd, loona qancin lahaa Farmaajo ayaa dhinaca kale ka gows qabsaday kaalinta Siciid Deni, taasoo keenay in la bilaabo dadaal lagu heshiisiinayo madaxda Galmudug iyo Puntland oo la filayo inuu qeyb ka noqdo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.

Musharixiinta Midowga ee u badan xubno kasoo jeeda Galmudug ayaa rajo badan ka qaba inay heshiis dhex dhigaan Qoorqoor iyo Siciid Deni, kadibna ay ka wada shaqeeyaan Doorashada iyo sidii loo yareyn lahaa kaalinta Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON