Friday, November 8, 2024

Maxaa keenay inuu Madaxweyne Xasan Sheekh tago Safaaradda Imaaraadka ee Muqdisho..?

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si lama filaan ah ku tegay xarunta Safaraadda Imaaraatka Carabta ee Muqdisho.

Ujeedka booqashada Madaxweynaha ee Safaaradda ayey Warbaahinta dowladda ku sheegtay inuu ahaa kulan is-xogwareysi iyo tacsiyeyn ah oo uu la qaatay Danjiraha Imaaraadka Carbta ee Soomaaliya Axmed Jumca Al-rumeysi.

Dhinaca kale Qoraal goor dhoweyd ka soo baxay Safiirka Imaaraadka ayaa lagu sheegay inuu safiirku xarunta safaaradda ku qaabilay madaxweynaha Soomaalya oo u tegay tacsida saraakiishii Imaaraadka ee lagu dilay Muqdisho.

Ad

” Safiirka Imaaraadka Carabta u fadhiya Muqdisho ayaa qaabilay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo u yimid xarunta safaaradda si uu uga tacsiyeeyo -Saraakiisha- shuhadada qaranka, una muujiyo garab istaagga dowladda -Imaaraadka- ee dhibaatadan” ayaa lagu yiri qoraalka Safiirka Imaaraadka.

Falka lagu dilay saraakiisha Imaaraadka ayaa ahaa mid culeys weyn ku keenay dowladda Federaalka, wuxuuna gilgilay xiriirka dowladaha Imaaraadka iyo Soomaaliya, gaar ahaan heshiiska Milateri ee u dhaxeeya.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qoraallo dhowr luqadood lagu qoray u diray Dowladda iyo Shacabka Imaaraadka, isla markaana madaxda dowladda Federaalka ay arrintan kala xiriireen Imaaraadka ayaa ku dhaqaaqay inuu tago Safaaradda Imaaraadka, arrintan oo dad badan ay la yaabeen, qaarna ay ku tilmaameen mid ka hooseysa maqaamkiisa.

- Advertisement -

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON