Dood aad u culus ayaa ka dhalatay natiijada imtixaankii Dugsiysada Sare ee dalka oo ay shaacisay Wasaaradda Waxbarashada xukuumadda Soomaaliya, kadib markii ay dhaceen Arday gaareysa 8550 oo 7873 ka 9(90%) mida ay yihiin Ardayda Muqdisho.
Waxaa muranka dhaliyey ayaa ah tirada Ardayda faraha badan ee magaalada Muqdisho ka dhacday iyo qiimeynta Dugsiyada keenay dhibcanaha ugu sareeya celcelis ahaan oo noqday Gobolka Gedo (Afarta Dugsi ee ugu dhibcaha sareeya waxay ku yaallaan Gobolka Gedo, halka 10-ka Dugsi ee ugu sareeya dhibco ahaan 6 ka mida 10-kaasina waxay ku yaallaan Jubbaland).
Dadka qaarkood waxay natiijada soo baxday la aadeen Siyaasad, qabyaalaad ama eedeyn musuq, halka qaar kalena ay difaaceen natiijada iyagoo amaanaya heerka waxbarasho ee ka jira Gobollada oo ka wanaagsan tan caasimadda oo duruufo gaara ay heystaan.
Dooda ugu culus ayaa qoraal ahaan ku cabiray Wasiirkii hore ee Amniga iyo Madaxweynihii hore ee Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed, wuxuuna natiijada ku tilmaamay mid argagax leh oo muujineysana fashil muuqda oo ku yimid nidaamka waxbarashada ee dalka.
“Jaantusku waxuu ina tusayaa in ardada gobalka Banaadir ka dhacday ay yihiin 7,873 arday taas oo ka dhigan in 90% ardeyda dhacday ay ahaayeen ardeyda hal gobol imataxaanka u gashay. Waana arrin kale oo iga maajisay dad badanna shaki ku abuurtay..” yuu yiri C/kariin Guuleed oo ku baaqay in guddi heer Qaran loo saaro arrintan oo xaqiijin ku sameeya hufnaanta habkii imtixaanka.
Dhinaca kala Prof. Cali Siciid oo ka mida bahda Waxbarashada ayaa qaba in natiijada ay caadi tahay oo la fili karay, ayna ugu waxan tahay arrimo badan oo ay ka mid tahay in Muqdisho ay ku yaallaan Dugsiyada ugu badan oo gaaraya ilaa 700 Dugsi Sare ayna ku badan yihiin dugsiyo Ganacsi oo arday aan u qalmin oo aad u yaryar ku jiraan, qaarkoodna fasallo aanay gaarin la geeyo.
Wuxuu intaas ku daray in Ardayga Muqdisho uu saameyn badan ku yeeshay cudurkii Coronavirus, wuxuuna caddeeyay in Gobolka Gedo uu ka mid yahay Gobollada Waxbarashada ugu fiican oo ay heystaan macalimiin fiican oo qaarkood Kenya ka yimaada, wuxuuse caddeeyay in qaabka loo saxayo imtixaanka aanu ka imaan karin khalad oo macalinka saxaya aanu ogeyn imtixaanka uu saxayo, kaliyana uu ku qoran yahay number.
Dadka imtixaannada la socda ayaa shaki ka muujiyey inuu dhici karo musuq heer maamul gaarsiisan oo ka jira Gobollada qaar, sida in kormeerku liitay ama loo fududeeyay ardayda imtixaanka galeysa, taasoo u baahan baaritaan iyo dabagal.
Xaalad kasta oo sababtay in arday ku dhow 8000 arday ay ka dhacaan Imtixaankii dowladda ee Muqdisho waxay noqotay Musiibo naxdin abuurtay, waxaana muhiim ah in loo qaato digniin si wax looga bedelo qaabka waxbarashada Muqdisho iyo is-dhigashada ardayda caasimadda oo caqabado badan ay heystaan, kuna mashquulsan baraha bulshada.