Saturday, April 19, 2025

Maxaa keenay in Agaasimaha NISA safar kasta u raaco Madaxda Dowladda Soomaaliya..?

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Soomaaliyeed ee NISA C/llaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) ayaa noqday mas’uulka ugu safarka badan madaxda hay’adaha ammaanka.

Sanbaloolshe ka mid ahaa wafdiyadii madaxweyne Farmaajo u hoggaamiyay 9 dal oo uu booqday intii uu xilka hayay, marka laga reebo hal safar oo qura, wuxuuna shalay kasoo dhex muuqday xubnihii la socday wafadigii Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre ee Adis ababa u tegay shirka IGAD.

Safarrada faraha badan ee Agaasimaha NISA ayaa keenay in la is weydiiyo sababta taliye ciidamo howgallo culus ku jira uu ku calmaday in diyaaradii wafdi Soomaaliyeed sida uu iska raaco.

Ad
Agaasimaha NISA C/llaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe)
Agaasimaha NISA C/llaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe)

Ma muuqato baahi loo qabo socdaallada faraha badan ee Sanbaloolshe ku wehliyo madaxda dowladda, waxayse wararka qaarkood sheegayaan in Sanbloolshe uu isagu dalbado ka mid noqoshada wafdiyada, iyadoo xilka uu hayo aanu ahayan mid siyaasadeed.

Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow oo hore aanu u kashifnay socdaaladiisa fara badan ee dibadda oo habac ku keenay howlihii Wasaaradda ayaa hadda u soo jeestay shaqada gudaha, isagoo ka baaqday safarro hor leh.

- Advertisement -

GOOBJOOGE

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON