Waxaa magaalo xeebeedka Mombasa ee dalka Kenya wadahadal ku yeeshay ku yeeshay wafdigii uu hoggaaminayey Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.
Madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo hadda socdaal ku jooga dalka Kenya ayaa kulankooda oo ka dhacay dhacay Xarunta Madaxtooyada Mombasa waxaa looga wadahadlay dhowr arrimood oo istiraatiiji ah oo danta guud ka dhaxaysa Kenya iyo Soomaaliya, waxaana ugu muhiimsanaa soo celinta xiriirkii diblomaasiyadeed ee Nairobi iyo Muqdisho.
Sida ay faafisay madaxtooyada Kenya dalalka Kenya iyo Soomaaliya ayaa kala saxiixday dhaqan gelinta heshiisyada ay wada gaareen Guddiga Wadajirka ah ee Iskaashiga (JCC) sannadkii 2015.
Heshiisyada Guddiga Wadajirka ah (JCC) ayaa Waxa ay qeexayaan iskaashiga labada dal ee dhinacyada sida ganacsiga iyo maalgashiga, gaadiidka, difaaca iyo amniga.





