Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa magaalada Adis ababa kula kulmay wasiirka arrimaha dibadda Sacuudiga.
Kulanka ayaa ka dhinac socday shir madaxeedka Midowga Afrika, waxaana labada dhinac ay uga hadleen xiriirka labada dal iyo xaaladda ka taagan dalalka Khaliijka.
Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa sheegay inuu fursad u helay wadahadal qoto dheer oo dhex maray isaga iyo wasiirka arrimaha dibadda Sacuudiga Caadil Aljubeyr ayna ka wadahadleen xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Sacuudiga.
Warar xogogaal ah ayaa sheegaya in kulanka oo ahaa mid xasaasi ah lagu soo qaaday arrinta dalka Qatar ee ay go’doomiyeen Sacuudiga, Imaaraadka iyo Baxreyn, iyadoo Soomaaliya ay dhexdhexaad ka noqotay arrintan.
Sacuudiga ayaa Shirka Midowga Afrika u diray wafdi heer sare ah oo uu horkacayo wasiirkooda arrimaha dibadda si ay madaxda Afrika uga dhaadhiciyaan mowqifkooda, waxaana la sheegay in dalal ay Soomaaliya ka mid tahay Sacuudiga laga doonayo inay xiriirka u jaraan dalka Qatar.
Wadahadallada Ra’iisal wasaare Kheyre iyo Wasiirka arrimaha dibadda Sacuudiga ayaa la sheegay inay kasoo baxeen in kulamo kale ay yeeshaan labada dhinac, iyadoo Isbaheysiga Sacuudiga ay u diyaar garoobayaan jawaabta ay bixinayaan farriinta ka timid dalka Qatar.