Wednesday, February 19, 2025

Maxaa kasoo baxay Shirkii Amniga New York..? (Hubka la siinayo Ciidamada Somaliya)

Waxaa shalay 12-kii December 2023 ka dhacay magaalada New York ee dalka Mareykanka, shirkii ku saabsanaa amniga Soomaaliya.

Shirka waxaa guddoomiyey madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana kasoo qeyb-galay wakiilo ka socday Midowga Afrika, Midowga Yurub, Qatar, Saudi Arabia, Turkey, Imaaraadka, UK, Q/Midoobay, Mareykanka iyo 23 dal oo kale oo ka mid ah saaxiibada Soomaaliya.

War-murtiyeedka laga soo saray shirka ayaa lagu amaanay horumarka ay ciidamada Soomaaliya iyo ATMIS ka sameeyeen dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Ad

Waxaa kaloo loo mahad celiyay dadaalka iyo naf-hurnimada ciidamada Soomaaliya oo tuulooyin iyo magaalooyin badan ka saaray Al-Shabaab, iyadoo istaraatiijiyadda dhameystiran ee ka-hortagga argagixisanimada dowladda federaalka Soomaaliya ay fure u ahayd horumarka Al-Shabaab looga xoreeyey aagag cusub.

Sidoo kale waxaa war-murtiyeedka lagu amaanay dowladda Soomaaliya tallaabooyinka ay u qaaday la wareegista amniga dalka xilli ciidamada ATMIS qeyb ka mida ka baxeen Somaliya June 2023, halka wejiga labaadna lasoo geba-gebeynayo 31-ka December 2023.

Shirka wuxuu soo dhoweeyay qaadista xayiraadda hubka ee muddo 32 sano ah saarneyd Soomaaliya. Dalalka saaxiibka la ah Soomaaliya ayaa muujiyay inay diyaar u yihiin taagero HUB iyo Saanad oo ay siiyaan Dowladda Soomaaliya.

- Advertisement -

Shirka ayaa soo dhoweeyey qorshaha horumarinta qaybta amniga ee lagu soo bandhigay shirka, kaas oo ay ku jiraan dhisidda ciidamo iyo hay’ado amni oo leh tayo, hufnaan iyo isla xisaabtan, kuwaasi oo fududeeya dadaallada nabad-dhisidda.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON