Wafdi ka socda Q/Midoobau oo uu hoggaaminayo Wakiilka Q/MIodobay James Swan, ayna ka mid yihiin madaxda UNOCHA iyo IOM ayaa maanta tegay magaalada Baydhaba.
Wafdiga ayaa kulan la yeeshay madaxweyaha K/Galbeed ee Soomaaliya C/casiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) waxayna ka wadahadleen xaaladda Bai’aadmnimo, Amniga iyo arrimaha Doorashooyinka.
James Swan ayaa sheegay inay madaxda Koonfur Galbeed ka dhageysteen sida ay u wada-shaqeyn karaan sanadkan 2021 iyo dhinacyda laga taageerayo, sidoo kalena wuxuu bogaadiyey dadaalka madaxweyne Lafta-gareen ugu jiro xal loo helo Doorashada, isagoo ku adkeystay in loo baahan yahay Doorasho wadar-ogol ah, kuna dhacda jawi iskaashi.
Madaxweynaha K/Galbed ayaa ssna sheegay in kulanka uu la qaatay Wafdi uu Hogaaminayey Wakiilka Qaramada Midoobey Uqaabilsan Arimaha Soomaaliya James Swan oo Wafdigiisa ay uga wadahadleen xaaladda bani’aadamnimo, hormarina iyo doorashooyinka.
