Saturday, May 17, 2025

Maxaa kasoo baxay kulankii Wakiilada Beesha Caalamka la yeesheen Siciid Deni iyo Axmed Madoobe..?

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa maanta xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho kulan gaara kula yeeshay madaxweynayaasha Puntland Siciid Ca/llaahi Deni iyo Jubaland Axmed Maxamed Islaam.

Kulankan ayaa yimid, kadib markii dowladda Federaalka ku dhawaaqday inuu fashilmay shirkii hordhaca ee Afisyoone, waxaana Siciid Deni iyo Axmed Madoobe laga dhageystay mowqifkooda xaaladda soo wajahday shirkii gogolxaarka ahaa, sida ay doonayaan in arrinta xal looga gaaro.

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland ayaa wakiilada Beesha Caalamka u sheegay inaysan ogeyn in shir fashilmay, ayna ka horjeedaan fashilka uu shirka iyo Doorashada la doonayo Maxamed Farmaajo ujeedkiisuna yahay muddo kororsi.

Ad

Wararka ayaa sheegaya in kulankaasi markii uu dhammaaday ay wakiilada beesha Caalamka ku wargeliyeen Siciid Deni iyo Axmed Madoobe inay ka war sugaan oo ay sii joogaan Muqdisho, taasoo ay aqbaleen.

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa lagu wadaa inay kulan la yeeshaan Madaxda dowladda Federaalka inta ay qaadin tallaabadda xigta oo hadda u muuqata in dhinacooda laga sugayo, markii ay heshiin waayeen madaxda dowladda Federaalka iyo maamul Goboleedyada.

Kula kale ayey wakiilada beesha Caalamka ugu yeereen madaxweynayaasha maamul Goboleedyada taageersan Farmaajo ee Galmudug, Hirshabeelle iyo K/Galbeed oo doonayey inay dib ugu laabtaan degaanadoodii, iyagoo fashilka dusha u saaray Siciid Deni iyo Axmed Madoobe.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON